BREAKING NEWS
Search

Guddida Horumarinta Galbeedka Iyo Woqooyiga Gabiley Oo Cambaareeyey Falkii Saameel

Gabiley (Foore)- Guddida Horumarinta Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Gabiley ayaa xukuumadda iyo shacabka Somalilandba ugu baaqay in In Sharciga La Hor keeno Gacan Ku Dhiiglayaashii falka waxshinimada ah ka geystay deegaanka Seemaal.

Guddida horumarinta beesha galbeedka iyo waqooyiga Gabiley ayaa dawladda ugu baaqay in si degdeg ah sharciga loo horkeeno ciddii ka danbaysay dilkii foosha xumaa ee sadexda nin lgu khaarajiyay deegaanka Seemaal.

Guddidu waxay cambaareeyeen falkaasi waxshinimada ah ee lagu dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ay ka tacsiyadeeyeen qoysaskii iyo eheladii ay ka bexeen sadexdaasi nin ee gardareada lagu dilay iyagoo Marxuumyadana Illaahay uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii ay ka bexeena samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddidu waxaanay balan qaadeen inay la shaqaynayaan oo gacan ka siinayaan cidkasta oo ka shaqaynaysa nabadgalyada iyo wada daganaashaha deegaankaasi, iyagoo ka digay wax kasta oo kala kaxaynaya isla markaana sii hurinaya colaadda labada beelood ee walaalaha ah.

Baaq nabadeedkan oo ay soo saareen 33 xubnood oo ku jira Guddida Horumarinta Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Gabiley, isla markaana uu na soo gaadhsiiyay afhayeenka Guddida C/raxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) isagoo dhamays Tirana waxaa uu u qornaa sidan:

“Annagoo ah Gudida Horumarinta ee Galbeedka iyo Waqooyiga Gobolka Gabiley waxaanu cambaaraynaynaa falkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal. Laguna dilay saddexda qof aan waxba galabsan. Waxaan halkan tacsi uga diraynaa eheladii, qaraabadii iyo dhamaan dadka reer Somaliland ee ay ka bexeen saddexda marxuum. Waxaanu ka codsanaynaa dawladda inay si degdeg ah u hor keento cadaaladda ciddii gaysatay falkaa foosha xun. Waxaanu halkan baaq nabadeed uga soo jeedinaynaa dadka walaalaha ah ee dhal iyo dhasheeda, wiil iyo abtigii ah in wixii dhibaato ah ee dhextaal ay ku dhamaystaan wada hadal nabadeed. Waxaanu ka digaynaa wax kaso oo dadkaasi walaalaha ah kala fogaynaya, nabad-ku-wada noolaashohoodana wax u dhimaya sida hadallo aan habboonayn oo la isku mariyo warbaahinta. Haddii aanu nahay guddiga baaqan soo saaray waxaanu halkan ku caddaynaynaa inaanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno cid kasta oo danaynaysa nabadgalyada labada beelood ee Gabiley iyo Dila.”

Magacyada Liiska Gudida ee Soo Saaray Baaqan Waxaa ka mid ah:

Xasan Cabdi Jibriil (Gudoomiye)
Maxamed Isaaq Cilmi
C/raxmaan Sh. Cilmi Faahiye
Sh. Xasan Maxamuud Yoonis
Mustafe Aadan Cali
Maxamed Cabdi Qalinle
Haaruun Nuux Ceelaabe
Jaamac Faarax Maxmed
Maxamed Cabdi Cabdilaahi
Eng. Jaamac Cabdi Axmed
Sh. Barkhad Isaaq Barre
Cabdi Xaaji Xasan Abraar
C/naasir Aw Cali Sahal
Eng. Yaasiin Yuusuf Khaliif
Prof. Mustafe Ismaaciil Ceelaabe
Sh. Mustafe Daa’uud Nuur
Dayib Muxumed Nuur
Xaashi Cabdilaahi Xuseen
Caqli Maxamed Caqli
Maxamed Muxumed Jaamac
Xasan Mataan Cumar
Yuusuf Aw Siciid Qaalib
C/raxmaan Muxumed Axmed
Yuusuf Xasan Cali
Eng. Cumar Cismaan Miigane
C/laahi Xuseen Miyir
C/fataax Aw Nuur Aamin
C/casiis Sh. Faarax Nadiif
C/raxmaan Ibraahin Wacays
Maxamed Xasan Warsame
Aadan Maxamed Kaahiye
Cumar Muxumed Maax
Yaxye Araarse Aamin




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *