BREAKING NEWS
Search

Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Golayaasha Baarlamaanka Ugu Baaqay In Ay Dib Ugu Noqdaan Xeerka Doorashooyinka Dawladaha Hoose

Hargeysa (OWN) – Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland , ayaa maanta ugu baaqay golayaasha sharci dejinta in ay dib u eegis ku sameeyaan  qaar ka qodobada xeerka doorashada dawladaha hoose oo caqabad ku ah in ay doorashooyinku dhacaan.

 

Shir jaraa’id oo guddidu ku qabatay xaruntooda Magaalada Hargeysa, ayay ku sheegeen in aanay doorashadu dhici doonin, haddii qodobka astaanta murashixiinta oo shaqadooda caqabad ku ahi ay golayaashu ku sii adkaystaan .

 

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Ciise Yuusuf Xamari , ayaa sheegay in inta badan arrimihii mushkilada doorashada la xaliyay, iyada oo ay gacanta ku hayaan dhaqaalihii ku bixi lahaa.

 

Saddex qodob oo naga hortaagnaa qabashada doorasho gole deegaan  oo kala ahaa 1 farsamadda  iyo hawshii  lagu geli lahaa doorashada, 2 sharciyadda doorashada oo markii hore intay wakiiladdu  ansixiyeen haddana dib loogu celiyey 3 iyo  dhaqaalihii  doorashada lagu galilahaa oo deeq bixiyayaasha markii aanu hor dhignay ay nugu yidhaahdeen waanu soo shubaynaa ee horta  sharciyadda hela  caqabadaas ayaa keenay  in doorashada hore u dhiciweydo , doorashadani waxay kaga duwan tahay tii hore ee 2002dii  doorashadaas  waxa intan ka yaraa  ururada tartamaya  diiwaan –galinina may jirin. Markii hore waxaanu islahayn doorashada deegaanku hanoqoto mi d astaan ay musharixiinta u yeeshaan haddana waxaanu ka eegnay  dhanka fudaydka oo dadku way ku dawakhayaan  in  sagaal urur xildhibaanadooda ay astaan ku doortaan  markaa waxaanu u badalnay  in nambar lagu galo oo  dhaqaale ahaana ka jaban ”ayuu yidhi Ciise Xamari.

 

Waxa kale oo guddida doorashooyinku ay sheegeen in wadamada deeq bixiyayaashu ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan kharashka dhankooda. Maalinta beri ah, ayaa mudanayaasha aqalka Wakiiladu ay yeelan doonaan fadhi aan caadi ahayn oo uu Madaxweyne Siilaanyo ku baaqay labada maalmood ka hor, iyaga oo dib u eegi doono xeerka doorashada golayaasha deegaanka.



Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *