Search

Guddida Cadaalada Oo Seefta La Dhex Qaaday Maxkamadaha Dalka Iyo Qaar Ka Mida Raggii Ugu Shishlaa Bahda Garsoorka Oo Seeftu Qaaday

Hargeysa (Foore)- Guddida Caddaaladda Somaliland ayaa Kulan ay Khamiistii darraad iskugu yimaadeen Xarunta Maxkamada Sare waxa ay isku shaandhayn,Eris iyo Magacaabis ku sameeyeen Gudoomiyayaasha iyo Garsoorayaasha Maxkamada Dalka Somaliland kadib markii ay dhawaan kulan la soo qaateen Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,lana sheegay in Kulankaasi la iskula soo qaatay in wax ka badel balaadhan lagu sameeyo Hanaanka Cadaaladeed ee Garsoorayaasha ka hawlgala Maxkamadaha Dalka.
Sida Ilo-wareedyo u dhuun daloola Kulankaasi Khamiistii dhacay ay noo iftiimiyeen,waxa ay gudida soo saartay go’aamo ay wax ka badel ku sameeyeen Maxkadaha Dalka kaasi oo ay u gudbiyeen Xafiiska Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid si loo baahiyo loona dhaqan galiyo. Sida ay noo xaqiijiyeen dad kulankaasi ka agdhawaa islamarkaana wax ka ogaaday Go’aanka ay soo saareen Gudidu khamiistii,waxa ay gabi ahaanba isku badel iyo eris ku sameeyeen Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka ee Gobolada Dalka oo dhan, Tusaale ahaan Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka Cabdirashiid Duraan waxay sida la sheegay u badaleen Maxkamada Racfaanka Gobolka Saaxil,halka ay Garsoore Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi Jeex joogayna ay u magacaabeen Maxkamada Racfaanka Gobolka Togdheer ee Burco.
Waxa ay sidoo kale xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Hargeysa Faysal Dheg Dhego, waxaanay u magacaabeen Guddoomiye Cusub oo aanaan nasiib daro helin magaciisa, balse warar aan la hubin ayaa tilmaamay in loo magacaabay nin dhalinyaro ah oo in muddo ah garsoorenimo uga shaqaynayay Maxkamada Gobolka. Wararkan ayaa intaa ku daray in talaabadan ay qaadeen gudida Cadaaladu ee ay Khamiistii seefta la dhex mareen Maxkamada dalka ay sidoo kale ka caydhiyeen shaqada Garsooreyaal badan kuwaasi oo ka kala shaqaynayay Maxkamadaha dalka, ee heer Gobol illaa heer Degmo.
Gudida Cadaalada Somaliland ayaa kulankaasi Khamiistii sidoo kale ku ansixisay Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel) oo hore ku meelgaadh ahaan uu u ugu sii magacaabay Maxkamadaasi Guddoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, waxaanay Guddidu isku raacday inuu Cabdirashiid Beergeel si rasmi ah u ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa laga bilaabo maalintii Khamiistii ee aynu soo dhaafnay.
Ma jiro War Rasmi ah oo ku saabsan arrintan oo ka soo baxay Guddida Cadaaladda iyo Wasaarada Cadaaladda toona, balse waxaa la filayaa in Go’aankaasi maanta laga baahiyo Warbaahinta Dalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *