Goobaha Madaxweyne Siilaanyo Loogu Magac Daray Mudadii Uu Talada Hayay Oo Ka Badan Goobaha Loogu Magac Daray Dhammaanba 3-dii Madaxweyne Ee Xilka Uga Horreeyey

Hargeysa, Dec 11, 2017 (Foore)- Tan iyo Markii Toddobaadkan ay soo baxday Maktabadda Qaranka Somaliland in loogu magac daray Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa baraha bulshadu ku kulanto ee internetka si weyn loogu faaqidayaa magac bixintaasi iyada oo in badan oo Bulshada ahi si weyn uga soo hor jeedsadeen halka in badan oo kale maamulka maktabaddaasi ku taageereen magac bixintaasi loogu magac daray Madaxweyne Siilaanyo.
Maktabadda Qaranka (Somaliland National Library) oo imika loo bixiyay magaca Siilaanyo Library ayaa waxa ay noqonaysaa goobtii saddexaad ee dan guud ah ee Madaxweyne Siilaanyo loogu magac daro mudadii uu xilka hayay iyada oo hore sidan oo kale Magaca Madaxweyne Siilaanyo loogu wanqalay Jidka isku xidha Ceerigaabo yo Burco (Siilaanyo Road) iyo waliba Masaajid weyn oo ku yaalla Magaalada Berbera kaasi oo isna lagu asteeyey Magaca Siilaanyo Mosque. Waxaanay Mabtakaddu sidaa ku noqonaysaa goobtii saddexaad ee sidata magaca siilaanyo halka aanay dhammaan Madaxweynayaashii xilka uga horreeyey ee Cabdiraxmaan Axmed Cali, Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin aan goobo badan loogu magac darin iyada oo kaliya Madaarka Caasimadda Hargeysa uu Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale ku sharfay Madaxweynihii xilka uga horreeyey Marxuum Maxamed Ibraahin Cigaal balse aan Madaxweyne kale goobna loogu magac darin.
Dadka haddaba dhaliilay siyaasaddan magac bixinta goobaha danta caamka ah ee magaca Madaxweynaha lagu xardhay mudadii Siilaanyo talada dalka hayay waxa ay ku doodayaan in maadaama Somaliland tahay waddan dimuquraadi ah aanay munaasab ahayn magac bixintaasi goobaha danta caamka ah magaca madaxweynaha lagu muuneeyey iyada oo kaliya astaantaasi lagu yaqaano dalalka Kacaanku ka taliyo iyo kuwa ay xukumaan madaxda digtaatoorka ahi balse aanay ahayn curfi iyo hab-dhaqan ay leeyihiin dalalka siyaasaddoodu furfuran tahay oo ay Somaliland higsanaysaa.

Waa dhab in Madaxweyne Siilaanyo sharaf iyo wanaag dalkan kaga tagayo wixii uu wanaajiyey iyo wixii uu xumeeyeyna taariikhda u galayso balse marnaba waxa uu qabtay ma aha waxa abaal kalidii ah loogu hayo ee waa waajib saarnaa in uu qabto oo aanu wax deeq ah ku bixin sidaasi darteed dalalka siyaasaddoodu furfuran tahay Madaxweyne kasta oo wax u qabta waxa ay kaliya u arkaan uun mid waajibkiisa gudanaya oo aan bulshada wax abaal-gud ah uga fadhiyin.
“Inkasta oo xukuumaddu gacanta ugu weyn ka gaysatay dhismayaasha waddada Ceerigaabo iyo Maktabadda qaranka haddana waa dhab in ay Muwaadiniin badani lacagtooda ku bixiyeen tabarucaadka dhismayaashaasi sidaa darteed ma jiro wax gaar ah oo Madaxweyne Siilaanyo abaal gud looga dhigayaa magac bixinta goobahaasi” sidaa waxa ku dooday mid ka mid ah aqoonyahanada dhaliilasanaa magac bixinta goobahan.
Goobaha Madaxweyne Siilaanyo Loogu Magac Daray Mudadii Uu Talada Hayay Waxa Ay Kala Yihiin:
1. Jidka Isku xidha Ceerigaabo iyo Burco
2. Masaajid ku yaalla magaalada Berbera
3. Maktabakadda qaranka ee Hargeysa laga bineeyey
Isku soo duuboo maadaama Madaxweynayaashii dalkan soo maray mid kastaaba door ku lahaa horumarinta qaranka haddana ma habboona in magacyada Madaxweynayaasha lagu asteeyo goobaha dadka caamka ah ee qarankani wada leeyahay maadaama Somaliland aanay ahayn waddan Digteetar ah oo cabsi Madaxweynaha laga qabo darteed loogu dhaqaaqo tallaabooyinkan oo kale.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *