Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay 6 Xubnood Oo Ka Mid Ah Wasiirrada Cusub

Hargeysa (Foore)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad ah k ku ansixiyay Lix xubnood oo ka tirsan Golaha wasiirrada Somaliland.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 47 mudane waxay cod u qaadeen ansixinta xubnaha wasiirrada cusub oo kala ah wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo ay 45 Mudane ansixiyeen.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Abiib Diiriye Nuur oo ay 45 Mudane ansixiyeen.
Wasiirka wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka Md. Cali Siciid Raygal waxa ogolaaday ansixintiisa 45 mudane.

Sidoo kalena, Wasiiru dawlaha wasaaradda Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi saxardiid oo ay 45 Mudane ogolaadeen, halka wasiirul Dawlaha nabadaynta Gobolada Bari Md. Keyse Cabdi Yuusuf oo ay 42 ogolaadeen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ay 43 mudane ansixiyeen.
ka hor intii aan la ansixin xubnahan ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland ayaa waxa taariikh aqooneedkoodii golaha ka soo jeediyay xoghayaha guud ee Golaha wakiilada Cabdirisaaq Ayaanle halka xubnaha la ansixiyeyna la siiyey muddo kooban oo ay qaab hawleedkooda ku soo bandhigayeen, halkaas oo ay mudanayaasha golaha ay warbixin kaga siiyeen hawlaha wasaaradahooda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *