Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Ajandahooda Kal-Fadhiga 17-Aad

Hargeysa (Foore)- Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah xildhibaanadu ku ansixiyeen qodobada ajandaha kal-fadhigooda 17aad oo ka kooban 11 qodob, kaasi oo ay si dhakhso ah u guda gali doonaan dooddiisa mudada kalfadhigani socdo.

Fadhiga shalay oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa u sheegay xildhibaanada in iyagoo tixgelinaya soo jeedimihii mudanayaasha ee dooda ajandaha kalfadhiga 17aad isla markaana mudnaanta siinaya xeerarka diyaarka ah ee doodoodu furmi karto waxa uu gole weynaha u soo bandhigay inay ajandahan sidiisa ku ansixiyaan.

Waxa ogolaaday 46 Xildhibaan,hal mudane ayaa ka aamusay cid diidayna ma uu jirin ,Gudoomiyuhuna muu codayn .

Qodobada ajandaha ayaa kala ah.

• Warbixinta Shir-guddoonka,Gudida Joogtada ah iyo Gudiyada Golaha wakiilda

• Xog ogaal u noqoshada qiimeynta iyo talo soo jeedinta xaalada guud ee wadanka

• Mashaariicda sharci ee galaha horyaala

1. Wax ka badelka iyo kaabista xeerka Baanka dhexe

2. Xeerka nabadgalyada wadooyinka

3. Xeerka Biyaha

4. Xeerka fayo-dhowrka Hilibka

5. Xeerka Asaaska komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa

6. Xisaab xidhka Dawlada 2008,2009 iyo 2010

7. Miisaaniyada qaranka

8. Wax ka badelka iyo kaabista Xeer hoosaadka golaha

9. Xeerka Banka islaamka\

10. Xeerka ka ganacsiga Hawlaha Baanka

11. Xeerka statistics Low.

• Ansixinta Masuuliyiinta qaranka

• U yeedhista Masuuliyiinta qaranka iyo wixii soo kordha.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *