BREAKING NEWS
Search

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Somaliland Oo Mar Kale Qodobo Ka Mid Wax Ka Badel Iyo Kaabis Lagu Sameeyay + SAWIRO

Hargeysa (Foorenews)- Mudanayaasha Golaha ayaa maanta meel mariyay xeerka doorashooyinka dawladaha hoose iyo Madaxtooyada ,  oo qodobo ka mid ah  lagu sameeyay wax ka badel iyo kaabis qodobo ka mid ah, ka dib markii  toddobaadkan dib loogu soo celiyay.

 

 Fadhi aan caadi ahayn  oo goluhu isugu yimid , oo uu shir-guddoominayay af-hayeenka golahaas, ayaa cod gacan tag ah  lagu ansixiyay  xeerkan oo dib   u eegistiisa uu   dalbaday Madaxweyne Siilaanyo  oo xildhibaanada  ugu baaqay fadhi aan caadi ahayn, ka dib markii ay guddidu doorashooyinka walaac ka muujiyeen qodobo ka mida xeerka.

 Ka Hor intii aan xeeka cod loo qaadan ayaa guddoomiyuhu Cirro waxa uu mudanayasha  sharaxaad ka siiyay qodobada  ay uu Madaxweynuhu codsaday in wax laga badelo.

“Waxa Goluhu ansixiyey wax ka badalka iyo kaabista Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo  golayaasha deegaanka lifaaqiisa afraad, Madaxweynaha Somaliland lifaaqa afraad wuu saxeexay, waxaanu dhaqan geliyey 15 jully, hase yeeshee iyada oo la tix gelinayo codsiga Guddida doorashooyinka qaranka oo soo jeediyey in Astaanta lagu badallo Namberka, iyadoo qabsoomida doorashooyinku ay mihiimad weyn u leedahay hanaanka dimuquraadiyada Somaliland, iyadoo laga fogaanayo caqabad kasta oo doorashada dib u dhigi karta waxa Madaxweynaha Somaliland uu ka dalbaday golaha Wakiillada Somaliland in ay iskugu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn si ay waajibaadkooda distooriga ah uga gutaan Lifaaqa 5-aad ee Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka Somaliland. “ ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro .

.

 Buuq ka dhashay sida loo gudagalayo ansixinta xeerkan doorashooyinka oo ay xildhinaabada qaarkood ku doodeen in aan siin wax ay  kaga baaraandegaan , ayaa waxa loo qaaday, waxaana u codeeyay meelmarintiisa 37 xildhibaan, 4 mudane ayaa diiday, 12 xildhibaan waa ay ka aamuseen, iyada oo aanu guddoomiyuhu codayn.

 

 Xeerka doorashooyinka ayaa muran siyaasadeed oo u dhexeeya golayaasha baarlamaanka , guddida doorashooyinka iyo Madaxtooyada dalka abuuray, waxaana ay guddidu laba jeer  la ansixiyay  cadeeyeen in aan ku dhaqmi karin,iyada oo  maanta ogolaaday in doorashada murashixiintu ay ku galaan lambaro u gaar ah.


 

Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *