Golaha Guurtidda Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Tiro-koobka dalka

Hargeysa (Foore)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay cod Aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka diiwaan gelinta ee Statistics-ka, kaas oo ay hore u soo ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland. Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali ayey ugu horayn mudanayaasha Golaha Guurtidu waxay warbixin la xidhiidha xeerkan ka dhagaysteen Xoghayaha Guddida Arrimaha Bulshada Ee Golahaasi.
Guddida Arrimaha Bulshada Ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa warbixinta uu siiyey mudanayasha golaha Guurida waxa uu ku sheegay inay guddidoodu wax ka bedel ku soo sameeyeen qodobo ku jira xeerkan kuwaaasi oo kala ah qodobka 6aad, qodobka 8aad iyo qodobka 10aad.
Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa ugu horrayntiiba cod u qaaday wax ka bedelka ay guddida arrimaha bulshadu ku sameeyeen qodobo ka mid ah xeerkan Statistics-ka kuwaas oo cod gacan taag ah ku ansixiyey.
Ugu danbayntiina mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa cod u qaaday ansixinta xeerka diiwaan gelinta kaasi oo ay hore u soo ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiiladu.
Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa codka ay u qaadeen ansixinta xeerka Statistics-ka waxa ogolaaday 37 xildhibaan, waxaana diiday 7 xildhibaan, iyada oo ay ka aamuseen 5 xildhibaan, guddoomiyuhuna aanu codayn. Waxa sidaa ku ansaxay xeerka Statistics-ka ama diiwaan gelinta




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *