BREAKING NEWS
Search

Golaha Guurtida Somaliland Oo Warbixin Ka Dhagaystay Gudida Wanaag Farista

Hargeysa (Foore)- Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Md Siciid Jaamac Cilmi ayaa mudanayaashu waxay warbixin ka dhegaysteen gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ee dalka JSL. halka sidoo kalena ay dood ka yeesheen qodobka shanaad ee dhaqanka iyo arimaha bulshada oo ka mid ahaa ajandayaasha kalfadhigan socda. Gudida wanaag faristu waxay u soo jeediyeen Golaha Guurtida in ay maalinba ta xigta soo kordhayaan qorshayaal abaabulan oo qaab khaldan loogu sahlayo dhalinyarada inay xadgudub ku dhacaan, waxana gudidu tilmaameen in beryahan dambe gudida wanaag faristu la socotay xarumo laga furay caasimadda oo lagu sheegayo in dhalinyarada dhaqanka lagu barayo, hase yeeshee aanay shareecada islaamku ogolayn in la is dhex geliyo hablaha iyo wiilasha ajnebiga iska ah. Gudida wanaag faristu waxa kale oo ay qaylo dhaan ka soo jeediyeen caruurta derbi jiifka ah oo ku soo badanaya magaalooyinka waaweyn ee dalka waxayna ka dalbadeen golaha guurtida inay ka hawlgalaan sidii caruurtaasi oo 80% u badan reer somaliland loogu xerayn lahaa xarumaha cusub ee loo sameeyey. Qodobka sadexaad ee ay gudida wanaag faristu hor dhigtay golaha guurtida ayaa ahaa digniin ay ka jeediyeen maandooriyaha sida uu maalinba ta xigta ugu soo badanayo dalka gudihiisa, waxana ay soo jeediyeen in la mamnuuco xarumaha lagu iibiyo kiniinka la isku daroogeeyo. Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxay ku kala aragti duwanaadeen doodii ay ka yeesheen qodobka shanaad ee ajandaha kalfadhigooda oo ka hadlaya arimaha dhaqanka iyo bulshadda.
…………….

……………..
Dhaliishu Way Furan Tahaye’ Af-Xumadda Ayaa Mustaxiil Ah
Waxaynu caadeysaney in haddii an la inna xidheyn aynu wixii afkeena ku soo dhaca ku hadallo oo aynaan maamulka iyo madaxdaba ka xishoon, hareerahana eegin. Hidde ayaynaan u lahayn maamul dhexe oo la wada dugsado, sidaa darteed ayaynu dhaleecayn ku harqinaa. Bal qabso oo markasta oo aad afxumo u quudho maamulkaaga waxay la mid tahay adiga oo naftaada caayey waayo maamulka ayaad ka mid tahay illeyn adigaa wax ka goortaye. Lama diidsana in madaxda la tilmaamo laakiin ceeb mutuxan wax tuusin ma aha e waa wax dumin. Innaga oo ah dad wax soo saarkoodu yaryahay ayaynu yu’anaa dhereg ah oo maamulku keeno, haddii aynu weynana waynu haaraami maamulka kulba jooga. Waxa intaa dheer wax la inagu soo tuuray oo ah jaad. in aynu qaadno “awliya-allaay adeeg’ tii Cabdi Qays mooyee an si kale lagaga lug baxayn, waa colka wadhaf ma lagu deyey.Dowladu haday is tidhaa celi karimayso oo afarta dhan ayuu ka soo geli. 1974 ayaa kaloore Itoobiya ka dhacday, waxa amar lagu bixiyey in mamnuuco jaadka, laakiin dadkii loo xilsaaray celintiisa ayaa u fasaxay Sh Cumar Yuusuf oo xaraf fadhiyey markaana Hargeysa oo dhan ayaa Xaraf guclo ugu qayilaad tagtay. Marka u ruux caadaystu in u maamulka caayo, uba malee in u isagu dan ka leeyahay, qaar kale ayaa ka daba odhanaya oo tallaabada uun la raacaaya, sidii islaantii tidhi reer hebeloow gurigaa ba, markii la weydiiyey wuxu reerkaasi yeelay waxay ku jawaabtay “dadkuba wuu lahaa”, Wixii dhib iyo cawaaqib xumo keenaya waa in dowlada lagala taliyo laakiin dhaleecaynta lama caadeysto, amma in qabiilo la iska maago ayaa dadnimo la’aan ah. Haddii ad Itoobiya tagto qof dowladda wax ka sheegi karaa arki maysid, waayo waa la rabeeyey oo muddo dheer ayay dowlad dhexe lahaayeen. Xorriyatul qawlku ma aha in ad sida xoolaha u ci’do.
………………




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *