Golaha Guurtida Somaliland oo Baaq Nabadeed u jeediyay beelaha ku diriray Gobolka Sanaag

Golaha Guurtida Somaliland oo Baaq Nabadeed u jeediyay beelaha ku diriray Gobolka Sanaag

Hargeysa(Foorenews)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ugu baaqay inay miiska wada hadalka soo fadhiistaan oo arrintooda ku dhamaystaan wada hadal iyo walaaltinimo.

Golaha Guurtidu waxay baaq nabadeed u jeediyeen beelaha gobolka Sanaag ee shaqaaqadu dhex martay, sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saareen shirgudoonka Guurtidu, kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Golaha Guurtida Somaliland fadhi uu yeeshay maanta oo Salaasa ah bishuna tahay 08/11/2011 wuxuu go’aamiyay inuu baaq nabadgelyo goluhu u diro Beelaha walaalaha ah ee xarguftu ku dhex martay gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Ceerigaabo:-
1- Marka hore goluhu isagoo ka xun waxa uu tacsi u dirayaa qoysaskii waxyeeladdu ka soo gaadhay dhacdadaasi, inta dhimatayna ALLE ha u naxariisto, inta dhaawacantayna ALLE ha caafimaadiyo.
2- Dadweynaha deegaanka Ceerigaabo ama gobolka Sanaagba Golaha Guurtidu wuxuu baaq nabadgelyo ah u dirayaa dadka walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay magaalada Ceerigaabo, waxaanay ku adkaynayaan inay soo celiyaan wanaagii lagu yaqaanay ee ay ku dhamaysan jireen arrimahooda dhinaca Nabadgelyada.
3- Labadan beelood ee shaqaaqadu hore ugu dhex martay deegaankaasina waxay Golaha Guurtidu ka codsanayaan baaqna ugu jeedinayaan inay hawlaha ammaanka iyo xasiloonida lagu adkaynayo ay ka qeyb qaataan, gogasha nabaddana ay soo fadhiistaan wixii tabasho ah ee jirtana lagu dhammeeyo wada hadal iyo is afgarad.
Ugu dambayntii waxaanu ILAAHAY uga rajaynaynaa inuu ALLE arrintaasi inoo fududeeyo, dadkaasi walaalaha ah ee dirirtu dhex martayna ALLE baggoodda burcad isku mariyo.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *