BREAKING NEWS
Search

Golaha Guurtida Oo Baaq Nabad Gelyo U Diray Shacabka Somaliland

Waxa Ay Ku Taliyeen In La Joojiyo Hadalada Warbaahinta La Isu Marinayo

Hargeysa (Foore)- Golaha guurtida Somaliland oo wali ku guda jira fadhigoodii aan caadiga ahayn oo ay ka yeelanayaan xaaladda nabad gelyo ee qaranka iyo sidii loo damin lahaa shaqaaqooyinka ka soo cusboonaaday qaar ka mid ah deegaamada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay waxa ay guud ahaan shacabka Somaliland ugu baaqeen in ay ilaaliyaan nabad gelyada guud ee dalka.

Waxa kale oo ay xildhibaanada golaha guurtida Somaliland baaq nabadeed u direen beelaha walaalaha ah ee wada dega cidhifyada dalka (Galbeed iyo bari). Guurtidu waxa ay shacabka Ceel Bardaale ugu baaqeen in ay nabad gelyada ilaaliyaan oo ay danta caamka ah ka shaqeeyaan. Fadhigan oo uu guddoominayay guddoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Somaliland Sh. Axmed Sh. Nuux Furre oo ay soo xaadireen 28 xildhibaan ayay golaha guurtidu ku baaqeen in nabad gelyada laga shaqeeyo dhacdadii foosha xumayd ee Seemaalna xukuumaddu si degde ah war cad uga soo saarto.

Golaha guurtida Somaliland ayaa ku baaqay in la joojiyo hadallada warbaahinta la isu marinayo iyaga oo dhinaca kale xusay in shirkoodan aan caadiga ahayn ay ku dhagaysan doonaan warbixin ay kaga dhagaystaan shirguddoonka golaha guurtida, Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Taliyayaasha ciidamada dalka.

Warbixinadan kadib waxa ay golaha guurtidu sheegeen in ay soo saari doonaan go’aamo iyo talooyin la xidhiidha xaaladda guud ee nabad gelyo ee dalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *