BREAKING NEWS
Search

Golaha Guurtida Oo Aqlabiyad Ku Meel Mariyay Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka

Hargeysa (Foore)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa kulan ay shalay yeesheen ku ansixiyey Xeerka Doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Xeer No. 14.

Fadhiga Golaga Guurtida Somaliland ee shalay oo uu Shir Guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Guurida ayaa isku raacay sidaana ku ansixiyay wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyey xaarkan oo ay hore u ansixiyeen labada aqal ee baarlamanku balse madaxweynuhu wax ka badal ku sameeyey dibna ugu soo celiyay golayaasha sharci dejinta.

Kulankan ay shalay yeesheen Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxa ka soo xaadiray 47 Xildhibaan, waxaanay dood dheer ka yeesheen ansixinta Xeerkan, iyada oo ay in uu xeerkani Ansaxo isku raaceen 35 Xildhibaan, halka ay ka diideen 10 Xildhibaan, waxaana ka Aamusay hal mudane oo kali ah, sidaana uu ku dhaqan galayo kadib marka uu madaxweynuhu qalinka ku duugo.

Xeer No. 14 oo ah xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka ayaa sidaa ku ansaxaya iyda oo dalku dhawaan isu diyaarinayo in uu galo doorashooyinka golaha deegaanka oo muddo dhaafay kadib markii golayaashaasi la soo doortay sanandkii 2003.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *