Golaha Guurtida Iyo Akaademiga Nabada Somaliland Oo Soo Afrajay Muran Ka Dhex Oognaa

Hargeysa (Foore)- Golaha Guurtida iyo Akadamiyada nabada iyo horumarinta Somaliland, ayaa shalay daboolka ka qaaday in ay soo  gabagabeeyeen khilaaf ka dhex taagnaa  toddobaadyadii u dambeeyay.

Muranka labada geesood oo salka ku yahay  farogelin la sheegay in Akadamigu uu ku sameeyay waajibaadka shaqo ee Guurtida sida nabad raadinta  iyo curinta dhaqanka ayaa  keenay xiisad xoog leh oo sababay in hadalo kulul la isku waydaarsado qalabka warbaahinta.

Kulan ay maanta ku  yeesheen Guurtida iyo Akadamigu xarunta  Baarlamaanka ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagaga dhawaaqay in uu dhamaaday is-afgaranwaagii jiray,iyada oo ay labada dhinacba ballan qaadeen  wada shaqayn buuxda,isla markaana laga fogaado in la faafiyo dacaayado sababa kara khilaaf cusub.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka joogtada ah ee Golaha Guurtida  Xildhibaan  Muxumed Aw Axmed iyo agaasimaha Akadamiga nabada iyo horumarinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo labaduba ka hadlay kulankaas, ayaa sheegay  in khilaafkii jiray uu ahaa mid la bunbuuniyay oo  looga faa’iidaystay dano gaara, iyada oo wakhtigan aanay jirin  murano xallin u baahan oo dhex yaalla labada dhinac, waxaanay muujiyeen sida loogu baahan in la yeesho iskaashi ku dhisan is-ixtriraam




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *