Search

Golaha Deegaanka Gabilay oo Cod Aqlabiyada Xilkii Kaga Qaaday Marwo Khadra Xaaji gaydh oo ahayd Maayork Magaalada Gabilay

Hargeisa(Foore) – Golaha deegaanka ee Magaaladda Gabiley ayaa fadhi ay isugu yimaadeen maanta cod ku muquuniyay Mayorkii Magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh.

Fadhigan saaka oo ay ka soo xaadireen 17 mudane ayaa waxa ay cod aqlabiyadd ah ku xilkii kaga qaadeen Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo muddooyinkii ugu dambeeyay ahayd mayorka Magaladaasi.

Mudaneyaasha golaha deegaanka ee Gabiley ayaa waxa ay isla goobtaasi ku doorteen Mayorka cusub ee Magaaladda Gabiley ay yeelan doonto iyaga oo u doortay Axmed Muxumed Qaalib(Axmed Samir).,

Todobaadydii ugu dambeeyay siyaasadda golaha deegaanka ee Magaaladda Gabiley ayaa qasnayd ka dib markii ay xukuumaddu xabsiga u taxaabtay 11 mudane oo ka tirsan golaha deegaanka, kuwaas oo fadhi ay isugu yimaadeen lagu tilmaamay in uu yahay sharci darro.

Si kastaba ha ahaatee doorashaddan golaha deegaanka ee Magaaladda Gabiley ay saaka xilkii kaga xayuubiyeen Mayorkii hore, kuna doorteen mayorka cusub ayaan la ogeyn waxa ay ka bedeli doonto jaho wareerka maamul ee ka taagnaa Gabiley.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *