Search

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Xayiraadi Hubka Ka Qaaday Dawlada Somaliya

Hargaysa (Foore)-Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa isku raacay in muddo hal sano ah laga qaado cuno-qabataynta hubka dalka Soomaaliya.

Fadhi ay maanta yeesheen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka kooban 15 dal ayaa u codeeyey qaraar qabyo ahaa oo ay soo diyaarisey Dawlada Britain, waxaana Golaha Amaanku isku raacay in qaraarkaas uu yahay mid shaqeynaya muddo sanad ah.

Qaraarka cusub ayaa dhigaya in muddo sanad ah Soomaaliya laga qaado xanibaadda hubka ee saarneyd tan iyo sanadkii 1992-dii, waxaana qaraarkani dhigayaa in hubka culus sida diyaardaha iy gantaalaha aysan ku jirin, waxaana hubka Soomaaliya la socon doona Qaramada Midoobey koox ay u magacawday in aan lagu xadgudbin, lana iibin karin lana wareejin karin.

Golaha Amaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka dooday in loo kordhiyo waqtiga ciidamada AMISOM muddo hal sano ah.

Kamaal Ismail Adam

Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *