Search

Gobolka Togdheer Oo Wacdaro Ka Muujiyey Tartankii Qur’aanka Kariimka Ah Ee Gobolada Dalka Kaalmaha Horena Gurtay

Hargeysa (Foore)- Tartanka Quraanka kariimka ah ee bil kasta oo Ramadaan ah loo qabto ardayda xifdisan quraanka kariimka ee ku nool gobolada somaliland ayaa shalay la soo gaba gabayeeyey. Munaasibad lagu soo gaba gabaynayey tartankan xifdiga quraanka kariimka ah oo lagu qabtay masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta, wafti ka socday dalka Masar, culimo awdiinka dalka, ardayda tartamaysay iyo marti sharaf kale. Ugu horayna waxa munaasibadan ka hadlay Sheekh Ismaaciil Hure (Dheeg) oo ka mid ahaa gudidii kala saaraysay ardayda tartamaysay kaas oo ka war bixiyey tirada ardayda ku tartamaysay xifdiga quraanka waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Mashruucan sanad laha ah ee tartanka quraanka kariimka ah waxaynu soo wadnay ilaa sanadkii 1992-kii, waxaanan u mahad naqaynaa cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta iyo hir gelinta tartankan sanadlaha ah kaas oo inoo noqday sune wanaagsan, waxaanan aad ugu mahad naqaynaa shirkada Waddaniga ah ee Dahabshiil oo maal galisa tartankan sanad kasta.”. Sheekh Ismaaciil Dheeg oo hadalkiisa sii wata ayaa ka war bixiyey ujeedooyinka laga leeyahay tartankan quraanka kariimka ah ee sanad kasta la qabto waxaanu yidhi “Ujeedooyinka aynu tartankan u qabano waxa ka mid ah inaynu sunada quraanka akhriskiisa, xifdigiisa iyo dhiiri gelintiisa ayaa ah hadafka koowaad ee aynu la leenahay qabashada tartankan iyo inaynu ogaano halka ay dhalinyaradeenu ka marayaan xifdiga quraanka iyo inay is bartaan dhalinyarada ku nool gobolada kala gadisan ee ku hawlan xifdiga quraanka kariimka, sanadkana tartan aad u qiimo badan ayaa ka dhacay magaalada waxaana ka qayb galay 64 arday kuwaas oo ku kala tartamayey 30 arday oo ku tartamayey sodonka jis iyo 32 ku tartamayey 15-ka Jis, habluhuna waxay leeyihiin tartankooda gaarka ah waxaana ka qayb gali doona ilaa 30 kuwaas oo ku kooban magaalada Hargeysa maadaama aanay dhib yarayn in hablaha laga soo qaado gobolada aad u fog.” Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyey dadkii ka soo shaqeeyey sidii loo qaban lahaa tartanka xifdiga quraanka kariimka ah ee ay ku tartameen ardayda ka kala socotay gobolada Somaliland, waxaanu shaaca ka qaaday wakhtiga la qaban doono tartankii uu madaxweynaha Somaliland abaal marinta ku bixin jiray sanad kasta waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Waxaan u mahad celinayaa shirkada dahabshiil, waxaan u mahad naqaynaa culima awdiinka, waxa kale oo aanu mahad celinaynaa guddida garsoorka ka ahayd tartankan ee soo waday ilaa sanadkii 1992-kii, waxaan idiin sheegayaa in tartanka quraanka kariimka ah ee madaxweynuhu abaal marinta ku bixiyo la qaban doono 13-ka Ramadaan oo ku beegan maalin salaasa ah, waxaanu tartanku ka dhici doonaa masaajidka Cali Mataan, ardayga ugu horeeyana waxa la gudoonsiin doonaa gaadhiga halka tartamayaasha kale ee kaalmaha kale galana abaal marino la gudoonsiin doono.” Ayuu yidhi wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland. Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka waramay edaabta looga baahan yahay qofka xifdiya quraanka ilaahay, waxaanu xufaada quraanka u soo jeediyey inay edaabta ku dedaalaan. Sidoo kale waxa hadalo dar daaran iyo duco ahba ka soo jeediyey munaasibadan xubno ka mid ah wafti ka socday dalka Masar kuwaas oo goob joog ka ahaa munaasibadan isla markaana ardayda yar yar quraanka xifdisan aad ugu bogaadiyey. Ugu danbayntiina iimaamka masaajidka Cali mataan Sheekh Maxamed Aadan ayaa ku dhawaaqay sida loogu kala guulaysatay kaalmaha ugu horeeya ee tartanka quraanka kariimka ah iyada oo ay kaalmaha ugu horeeya ee 15-ka Jis ay galeen
1. Cabdiraxmaan Maxamuud Salaad oo ka socday gobolka Sool
2. Cabdilaahi Axmed Sheekh Shakuur oo ka socday gobolka Maroodi Jeex
3. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Bashiir oo ka socday gobolka Awdal
Halkan tartanka 30-ka jisna ay kaalmaha hore kala galeen
1. Maxamuud Axmed Cali oo ka socday gobolka Togdheer
2. Naasir Faysal Faarax oo ka socday gobolka Togdheer
3. Xanafi Bashiir Maxamed Oo Ka socday gobolka Maroodi Jeex
4. Cabdilaahi Maxamed Cumar oo ka socday Sool
5. Xamse Cusmaan Cabdilaahi Oo ka Socday Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *