Go’aamo Lagu Ansixiyay Shirkii Golaha DHexe Ee KULMIYE Iyo Khudbadii Uu Madaxwaynuhu Ka Jeediyay

Hargeysa (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyay madaxweyne Ku xigeenkiisa Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qeyb galay kalfadhi aan caadi ahayn oo ay Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ku qabsadeen Huteelka Maansoor ee Caasimadda Hargeysa.

Kalfadhigan aan caadiga ahayn waxa kale oo ka soo qeyb galay Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo xubnaha Golaha dhexe oo tiradoodu dhan tahay 148 xubnood, waxa iyaguna goob joog ka ahaa Salaadiin, cuqaal iyo Taageereyaasha xisbiga tallada haya ee KULMIYE.

Fadhigan waxa lagu ansixiyay ijn shirweynaha xisbiga dib loo dhigo illaa 25-ka Bisha December ee dabo-yaaqada sanadkan 2013-ka, waxa cod gacan taag ah ku ogolaaday 147 xubnood, cid diiday iyo cid ka aamustay midna may jirin, waxase aan codayn Guddoomiyaha Golaha dhexe.

Sidoo kale, waxa lagu ansixiyay shirkan in Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo mudadii shanta sanadood ahayd ee la doortay ay ka dhammaatay in loo kordhiyo mudada ilaa inta laga gaadhayo shirweynaha xisbiga KULMIYE, waxa ogolaaday 140 xubnood, laba xubnood way diideen, afar xubnoodna ayaa ka aamusay, halka Guddoomiyuhuna aanu codayn, sidaasi ayaanu qodobkaasina ku ansaxay.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay kalfadhigan aan caadiga ahayn , ayaa ugu horayn dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii uu ka baxeen dadkii dadku qaaday shalay ee uu ku jiray ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Shire Faarax.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyay dhamaanba xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE sida qiimaha leh ee ay u soo qaban qaabiyeen xafladaasi shirka aan caadiga ahayn. Waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi fac aad u wayn iyo taariikh ku leh dalka isla markaana aan awoodiisu aad u balaadhan tahay.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kale oo uu si adag uga hadlay shirka magaalada London bisha may ka dhici doona oo uu sheegay in aanay Somaliland ka qayb gelayaynin shirkaasi, waxaanu tilmaamay in shirkaasi aanay wax dan ahi ugu jirin Somaliland. Waxaanu madaxwayne siilaanyo intaasi raaciyay in talo qaran laga yeelan doono shirka London, taasi oo ay qayb ka noqonayaan ama wax laga waydiin doono xisbiyada qaranka iyo sidoo kale goelyaasha qaranka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kale oo uu sheegay in muddooyinkan danbe ay dalka si aad ah u yimaadeen shirkado iyo ganacsato shisheeye kuwaasi oo maal gashi iyo ganacsi kaleba dalka ka abuuri doona, waxaanu madaxwayne Siilaanyo u soo jeediyay hay’adaha amaanka ee dalka iyo shacbakaba in loo baahan yahay in la ilaaliyo shirkadahaasi iyo ganacsatadaasi.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe Mudane Jaamac Ismaaciil Cigge.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *