BREAKING NEWS
Search

Geesi Qaran Mise Gumeeye Qaran—Qalinka: Cali Cabdi Coomay

Wuxuu ahaa madaale karti badan oo Ilaahay awood u siiyey inuu si xidhiidh ah u shaqeeyo 24 saacadood. Wuxuu ahaa muslim aan salaad salaad ku darin, nooc kasta oo balwadana aan lahayn, hadalkana inta cad ayuu ka yaqaanay. Maanka iyo maskaxdiisana haba yaratee kumay jirin munaafaq iyo faji, wuxuu sidoo kale caan ku ahaa fulinta ballamaha iyo axdiga uu la galo shakhsiga ama kooxda. Wuxuu Ilaahay ku manaystay edeb iyo asluub fiican, weligii lama arag isaga oo afxumo kula kacaya qof, qabiil iyo qaraabo.
Wuxuu carrabkiisa baray kalmadaha qiimaha badan xagga Ilaahay ee maansha allah, allahu akbar, subxaana lahaa iyo bisinka. Wakhtiyadii colaaduhu cirka isku shareereen, qofka uu fahmi waayo kalmada ugu daran ee uu adeegsan jiray waxa ay ahayd’ waa qof meel laga haysto’. Inkastoo ay qabyaaladu caqiido diimeed u tahay Soomaalida, hadana isagu muu ahayn shakhsi ku talaxtegay, wuxuu ahaa nin dadku isugu mid yahay, oo aan dadka kala saarsaarin. Talooyinkii la siiyey markuu siyaasadda galayey waxa ugu mihiimsanaa kuwan: Suxufiyiinta hadal guud kula hadal, xafladaha aqoonta ama siyaasada hadh iyo habeen ka qaybgal, oo welib xagga hore fadhiiso kamaradu ha ku qabatee. Baabuurkaaga muraayadaha mar kasta dallac, xafladaha lagugu casuumo markaba codso in hadalka lagu siiy, af-gaabnidii iyo dhawrsanaantii aad hore dhaqanka ugu lahayd bedel IWM.
Casharadii sidooda ayuu u qaatay, xitaa waxba iskamuu shaandhayn. Waa kan bilaabay khudbadii, kuye, aniga oo afkii hebel ku hadlaya, ma isagaa qofkiiba ah, siduu afka qof kale ugu hadli karaa, alle ku doori. Jagadani way uga dartay, waxa ay barty wax aanu aqoon, cayda iyo indho la’aantu waa wax uu ku faano. Wuu isla toosan yahay, wuxuu u haystaa waxa uu sheegayo inay ummaddu oo dhami ay rumeysan tahay. Suuqa ayuu xantiisii ka maqlaa iyada oo dadku leeyahay, nin fiican ayuu ahaa, xaaraan muu aqoon, way waaleen, jar bay ka rideen, alla yaa u soo celiya sumcadiisii.
Ilaahay ‘SWT’ keligii ayaa ceeb oo dhan ka nasahan, shakhsi kastaa wuxuu leeyahay ceeb iyo cambaaro, gaar ahaan qofku markuu madax noqdo, waxa lagu soo xaadiriyaa wixii uu xumaan lahaan jiray oo kursiga ayaa wata.
Marka shay miisaanka la saaarayo, waxa la eegaa kolba dhanka miisaanku u bato, haddii xumaantiisu badato, waxa loo nisbeeyaa xumaan, haddi uu wanaagiisu batana, waxa loo nisbeeyaa wanaag. Cadowgiisu waxa ay ku ceebeeyaan, inuu ahaa nin aan waxba ka aqoon odoroska iyo baaxadegga siyaasadda adduunku siday u shaqayso iyo tan dalkiisu. Wuxuu ka liitay xagga garashada khidadaha ay maleegayaan dadka munaafaqada ku xeesha dheeri, waxa intaasi u dheerayd gafuur taag iyo kibir dabiici ah. Dabeecad adayga waxa lagu xantaa inuu yahay XOOR dabada lagaga joogsaday. Wuxuu ahaa af-garooc aan kalmad qof ka dhaadhicin karayn, wuxuu ku liitay ka hadalka fagaareyaasha bulshada looga khudbadeeyo.
Waxba kamuu aqoon xeeladaha ummadda loo beerlaxawsado xittaa heer bilow ah. Shuruudaha hogaamiyaha waxa ugu horeeya inuu yahay aftahan dadkiisa ka dhaadhicin kara ujeedadiisa, wixii male-awaal ahna u beddeli kara run loo riyaaqo. Wuxuu xariif ku ahaa xulashada ninka xun, waxa ku xeersanaa maangaabyo meelna aan jirin oo maalin-la-nool ah, dhammaantoodana caqli iyo cilmi toonna aan u lahayn waxa ay ka talinayaan, fikirkooduna ku salaysnaa waxa ay markaa arkayaan. Qaar kood waxa caqliga iyo indahaba tiray cabista sharaabka kulul iyo macsida, waxa u dheerayd Ilaah ka fogaansha xagga cibaadada ah. Qaarkood waxa ay wax ku soo barteen dalalka reer galbeedka ee qofka la baro oo keliya siduu u noolaan karo, isaga oo aan eegin xaaraan iyo xalaal, markaasay beenta ka dhigteen quutal-daruur ay ku nool yihiin.
Malaha waxa ay si niyad ah u aamineen hal-hayskii uu lahaa wasiirkii difaaca ee Naasigii Jarmalka, taasi oo ku arooraysay diin iyo damiir la’aan, oo ahayd’ Joseph Geobles wasiirkii warfaafinta ee Naasigii Jarmalka ayaa laga soo xigtay inuu yidhi” ku celceli beenta ilaa la rumaysto.” Waa halkay Soomaalidu ka tidhaa been faketay runi ma gaadho. Markay intaasi is-biirsatay waxa shaqadii qaranka adhaxda jaray habacsanayaal aan habeen jirin, oo xigmadoodu qabyaalad tahay. Markuu socdo is-laweynida ku jirta waxa aad moodaa sidii sheekadii daa’uuka ee ahayd” Shimbirta daa’uusku aad bay u qurux badan tahay, quruxdaasi eebe ku manaystay darteed aad buu isu cajab-geliyey oo isul weynaaday, ka dibna waxa lagu salliday nabar aad u qadhmuun oo aanu weligii bogsan, mar kasta oo uu damaco inuu hawad u duulo ayey boogtu damqataa, markaasuu ku dhacaa niyad-jacab, naxdin iyo liidnimo. Ma kaasaa geesi qaran ah mise waa gumeeye qaran? Mooyi ee adigu is-weydii?
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *