BREAKING NEWS
Search

Garnaqsigii Xasan Cumar Hoorri: Hal Garawshiyo ah iyo Hal Gorfayn ah/ W:Q –Wasiirkii Hore Ee Caafimaadka Dr. Xuseen-Xoog

Waxaan akhriyay malahayga toddobaad ka hor qormo uu qoray aqoonyahanka islamarkaana ah qoraa farshaxan ah iyo indheer-garad; Xasan Cumar Hoorri.
Qormada waxa uu Xasan uga dhigay hal ku dhig Hanka Xaglatoosiye Xujo ayuu ku yahay Qaranka. Qormadaas waxa uu kaga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu muhiimsanayd in Soomaaliland ay ku sii jiri karto in sedkeeda loo sinnaado taas oo aan maanta jirin iyo in tabashada bariga ay ugu muhiimsan tahay in uu maqan yahay sedkoodu.
Marka la eego garnaqsigani muhiimadda uu leeyahay waxaan rejaynayay in bahda qalinka u heellani ay ka hadasho balse waxaan sugayey muddadaa toddobaadka ku siman mana dhicin in laga hadlo, taas ayaa igu kelliftey in aan qalinka u qaato.
Waan la qabaa Xasan haddii la doonayo in Soomaaliland guulaysato in loo baahan yahay Soomaaliland cusub, mid dhib iyo dheefba wadaagta, mid lagu wada naaloodo midnimo, sinnaan iyo milge, iyo mid abtirsiimadeedu tahay keliya Soomaalilandnimo arrintaasina waa waajib saaran kolba dawladda dalka ka talinaysa, gaar ahaanna Madaxweynaha kolba loo igmado xilka qaran. Waxa kale oo ay saaran tahay ka tala bixinta iyo ku taageeriddeeduba intii xilkas iyo xeerbeegti ah ee jecel Soomaaliland wadajirkeeda, walaalnimadeeda, u sinnaanshaha sedkeeda iyo horumarkeedaba. Maanta waxa muuqata in xilalka inteeda badan ay haysato beesha dhexe, weliba kuwooda sii qarada wayn sida Madaxweynaha, gudoomiyaha guurtida, guddoomiyaha baarlamaanka, wasaaradaha kuwooda ugu culculus iyo haya’daha madaxabannaan intooda badan. Taasi ma dhiqi karayso Soomaaliland beesha dhexena waa in ay taas garawsataa. Hadddii beesha dhexe ay jeceshahay jiritaanka Soomaaliland waxa ku waajib ah in ay tadxiyo ama huritaan u sameeyaan ka wada mid ahaanshaha iyo wada jeclaanshaha dhammaan beelaha Soomaaliland ay wada jecel yihiin kuna hanwayn yihiin Soomaalilandnimada. Waayo jacayka Soomaaliland ee beesha dhexe keligeed waa bar kuma taal haddaan lala wada jeclayn, taasna waxay ku abuuri kartaa xaqsoorka iyo weliba u burinta walaalahooda bari iyo galbeed. Waxa laga yaabaa in beesha dhexe marka loo garnaqsado ay is kala gurto ooy qaar yidhaahdaan annaguba wax ma haysannee reer hebel baa sedka buuran haysta balse malaha waxay hilmaansan yihiin cidda la garnaqsanaysa cidday tahay, hadda cidda idinka cabanaysaa waa walaalihiinna abtirsiimo idinla siman ee bariga iyo galbeedka Soomaaliland ee haysu kala gurina.

Wuxu yidhe Xasan: “sidee loogu sii negaan karaa dal muwaadinkii marti uu ka yahay taladiisa, (madaxweyne, madaxweyne ku xigeen, guddoomiye baarlamaan, mid guurti, mid garsoor, mid hay’ado qaran, mid bangi-bank, garyaqaan guud, hanti-dhowr, xeer ilaalin, xisaabiye guud, guddoomiyayaal iyo ku xigeenno xisbiyo qaran, hoggaamo ciidan) iyo meel beelaha qaarkood ka takooran yahiin 100ka kursi ee dalka looga arrimiyo”. Waan la qabaa Xasan in aanay sidaasi ina dhaqayn, qaranna aynaan ku noqonayn. Arrintaasi hadda iyo wixii ka dambeeyaba waa arrin wax ka qabasho u baahan horena ugu baahnayd, waxanan Madaxweynaha ku boorrin lahaa in maantaba uu bilaabo soo dhicinta xilalka booliga ku ah beesha dhexe, u sinnaanshaha xilalka iyo isu dheellitirka saamiyada beelaha dhexe iyo darafyada.
Xasan waxa dooddiisa udub dhexaad u ahaa dhawaaqii wasiir Xaglatoosiye ee musharraxa Madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye, kaas oo uu Xasan ku dooday in wasiirka oo madasha guul kala soo baxaa ay tahay guul qaran iyo helitaanka midnimo qaran hadduu se kala soo noqdo guuldarro waxa la filaa waa taa lidkeeda. Arrintaa aqoonyahan Xasan woxoogaa wuu yar fogeeyey baan isleeyahay, raallina hayga ahaado saaxiibkay’e, markaa wax yar baan hoga tusaalaynayaa. Inkasta oo aanan ahayn xisbiga Kulmiye haddana dooddaa dood qaran ah xisbiyada kalena way ku iman kartaa. Horta waxaan leeyahay hambalyo Wasiirka iyo intii ku dhiirrigelisayba hanka raggii ka horreeyey ee bariga fogi ka gaabsadeen, wuxuna u muujiyay beesha dhexe iyo beesha galbeedba in gogosha lays leegaysiiyo oo ninkii maqnaa yimid sedkiisana rabo qasriga dalka looga taliyana la wada geyo oo cid ka caagganaan kartaa jirin. Waa tijaabo fiican oo aan hore u dhicin, hayeeshee tijaaabada koowaad sida badan waxay u egtay in aanay guulaysan, haddayse maanta guulaysan waydo waxa hubaal ah in ay berri guulaysan doonto illayn libaax laba raqood lagama wada kiciyee.
Waxan malaynayaa inay jiraan duruufo ku gedaaman guusha wasiirka ee maanta, waxaana ka mid ah:
1.Tijaabada aynu ka dhaxalnay doorashooyinkii ka dhacay Soomaaliland intay jirtay waxay muujinayaan in aan bari aad looga codayn marka loo eego Awdal iyo salal. Haddaan tusaale u soo qaato tii ugu dambaysay ee 2010kii Waxa Awdal iyo Salal ka codeeyey in ka badan 80.000 halka Laascaanood tusaale ahaan aan filayo in ay ahayd 5,000, meelaha kalena kaba sii yar illayn codku magaalooyinka waawayn ayuu yaallaaye halka aan buuhoodlena lagaba codayn.
2.Maanta wax kastoo dhaca in arrintaasi is bedesho oo bari aad looga codeeyaa waa gacan uur ku jirta oon weliba filayo in aanay wax badani is doorinayn markaan eego afduubkii sanaag bari kaga dhacay qoladii u socotay diiwaan gelinta doorashada iyo gacmaha kale ee ku jira ee Puntland iyo SSC.
3.Kol haddii doorashadu dhex taal saddex xisbi qaran oo aanu xisbi ku keliyaysanayn garoonka, xisbiga Madaxweyne-xigeen u qaata maanta murashax ka soo jeeda gobolada bariga fog waxa iska cad in aanu saami ku lahayn 81,000 cod ee Awdal iyo Selel yaalla, taa bedelkeedana aanu isku hubin wuxu kala kulmi doono bariga fog. Sidaa daraadeed haddiiba xisbigaasi dhaco miyaanay noqonayn bariyow ku eeday?
Marka arrimahaas oo dhan lagu xisaabtamo waa in layku qanciyaa in Wasiir Xaglotoosiye cod guul ugu filan waayi karo maanta taasina aanay fajiciso inagu noqon, berrito ayuuse Madaxweyne noqon karaa haddaynu ka hor qaadno caqabadaha maanta is hortaagi kara.
Waxaan ku soo afmeerayaa faalladayda iyo hogo tusaalayntayda midi waa biyo kama dhibcaane beesha dhexe sedka ku dulsaarka ah degdeg Madaxwaynuhu hawga soo celiyo beesha dhexena taas waa in ay u diyaar garawdo. Waa ta labaade malaha beelaha bariga fog siday xujo ku oogi karaan waa iyagoo maanta ka wada shaqeeya sidii dadkoodu isu diiwaan gelin lahaa inagoo ka wada dheregsan in cod ka badan 200,000 ay si fudud ku diyaarin karaan, markaa ka dibna shan sano waa berriye ay Madaxweyne beegsadaan oo ay ku fadhiistaan kursiga dalka ugu sarreeya, haddii reer Soomaaliland arrintaa kala wada shaqayn waayaan maalintaas ayaynu xujowney wixii walaalaheen inagaga yimaaddana waa gartoode yaynaan is canaanan.
Dr. Xuseen Muxumed Maxamed “Xuseen Xoog”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *