BREAKING NEWS
Search

Garabkii U Horreeyay Ee Qaaddaca Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo Iscadeeyay Iyo Afhayeen Ibraahim Buubaa Oo Sheegay Inay Heshiis La Furayaan!

Hargeysa (Foore) – Afhayeen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa shaaca ka qaaday inay Wada hadal la furayaan Koox la baxday Garabka Toosinta Xisbiga WADDANI oo qaadacday inay ka qayb galaan Shirwaynaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi oo la iclaamiyay inuu qabsoomo maalmaha fooda inagu soo haya.
Afhayeenka Xisbigaasi oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa iclaamiyay inay heshiis la furanayaan koox la baxday Toosinta oo Xisbigooda ka baxday, kuwaasi oo Muuqaalo laga duubay ku sheegay inay ka soo horjeedaan hanaanka loo qorsheeyay inuu u qabsoomayo Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaasi,waxa ay Kooxdaasi shaaciyeen inay saluugeen Dimuqraadiyada Xisbiga WADDI ee ku aadan Qabsoomida Shirka Golaha Dhexe ee la mudeeyay 20-Ka Bishan aan ku jirno oo ay maalmo kooban inaga xigaan iyo Xubnaha lagu dooranayo shirkaasi oo ay sheegeen inaan qaab Dimuqraadi ah loo dhigin ee loo qorsheeyay qaab ka duwan oo aanay filayn. Afhayeen Buubaa oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Xubnahaasi yihiin Masuuliyiin ku qaali ah Xisbiga WADDANI dhexdiisa,islamarkaana ay la hadlayaan oo ay la xidhiidhayaa islamarkaana ay rajaynayaa inay Wada hadal ku dhameeyaan waxa ay tabanayaan. Kooxdan ayaa u sansaan eg Garabkii wakhtigan oo kale ka baxay Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye,waxaana aad moodaa inay abaabulan yihiin. Lama garanayo inay cidi ka dambayso oo ay daaha dabadiisa ka hagayso iyo in kale balse waxa aad moodaa inay kuwa qorshaysan yihiin oo ay ku soo beegay wakhti adag oo xaalad gaar ahi jirto,Mana jiraan siyaasiyiin Cad cad oo garabkaasi ku jira oo lagaranayaa. Waxa ay dhinacooda iyaguna sheegeen in ladaba socdo oo Masuuliyiin Xisbiga WADDANI ka tirsani waan waan la daba socdaan,waxaana sidaasi sheegtay Haweenay kooxdaasi u hadashay oo ka soo dhex Muuqatay Shalay qaar ka mid ah Muuq baahiyayaasha dalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *