BREAKING NEWS
Search

Garabka UDUB ee Axmed Yuusuf Yaasiin oo Murashaxnimo Madaxweyne oo aan loo tartamin u doortay Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa (Foore)-Garabkii xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ee uu Hoggaamiyo Ku simaha Guddoomiyaha xibigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay murashaxooda rasmiga ah ee madaxweynaha u doorteen aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen. Maalin ka dib markii uu Cali Maxamed Waran Cadde baaq qeylo dhaan ah u dirtay Guddoomiyihii xisbigaasi Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo ku sugan dalka Faransiiska oo uu ka dalbaday inuu soo gaadho xisbigii si uu wax uga qabto wax uu ugu yeedhay cadaalad darro uu muujiyay ku xigeenkiisii.

Kulan lagu shaacinayay murashaxnimadda Jamaal Cali Xuseen waxa lagu qabtay Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Ku simaha Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubno ka mid ah Golihii Wasiirradda ee xukuumadii hore oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee qorshaynta, wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha, wasiirkii hore Ganacsiga iyo xubno kale oo ka mid ahaayeen Guddoomiyihii Gudidii qaban qaabada shirweynihii hore ee xisbiga UDUB Md,. Rashiid Xaaji Cabdilaahi Guulleed, Iyo Cismaan Hindi.

Kulankani muu ahayn mid furan oo si xor ah ay uga soo xaadireen xubnaha kale u taagnaa xilkan, hase yeeshee waxay ku timid markii Axmed Yuusuf Yaasiin ka qaaday murashax Jamaal Cali Xuseen Lacag lagu qadaray 280 kun oo dollar.

Guddoomiye Ku xigeenka xisbiga UDUB ahna Ku simaha Guddoomiyaha Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in murashaxnimadda Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ay u go’aansadeen si ay isbedel iyo dhiig cusub u geliyaan xisbiga UDUB.
Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo kulankaasi isaga lagu doortay ka hadlay wuxuu yidhi “Waxa igu kalifay aniga maanta inaan isusoo taago jagadan waxa weeyaan, markii aan arkay shakhsiyan, aniga oo awalba ahaa xisbiga UDUB, oo ka tirsanaa ahaanaa”

“Markii aan is idhi waad maamuli karaysaa dalka waadna hagaajin karaysaa ayaan go’aansaday inaan isa soo sharaxo, waxaana igu khasbay oo igu dhiiri galiyay dhalinyaradda,”ayuu tilmaamay Jamaal Cali Xuseen.
Jamaal Cali wuxuu ku dooday inuu iskugu xidhi doono dhalinyarada iyo xisbiga UDUB, waxaanu yidhi “Dadka waa weyn waxay taageerayaal u yihiin Xisbiga UDUB balse dhalinyaradda u malayn maayo in ay xoog u taageersan yihiin wakhtigan, waxaan jecelahay inaan noqdo xadhigii isku xidhaayay dhalinyaradda iyo xisbiga UDUB, UDUB-na kalsooni baan ku qabbaa.”

Dhinaca kale, Garabka ka soo horjeeda murashaxnimada Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu Hoggaaminayo murashax Cali Maxamed Waran Cadde oo ay weheliyeen Wasiirradii hore ee xukuumadii Rayaale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Wasiirkii hore ee Beeraha Md. Cabdi Haybe Maxamed, Wasiirkii hore ee Hawlaha guud Md. Siciid Sulub Maxamed, Wasiirkii hore ee qoyska ayaa iyaguna shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta dhexe ee xisbiga UDUB waxay ku cambaareeyeen go’aanka ka soo yeedhay garabka kale, waxaanay ku doodeen inaan tallaabo la qaadi Karin ilaa uu imanayo Guddoomiyihii xisbigaasi oo siday carabaabeen dalka ku soo fool leh maalmaha soo socda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *