Search

Garab Ka Mid Ah Dhinacyada Ku Loollamaya Xisbiga KULMIYE Oo Qaaddacay Kulan Xalay Madaxweynuhu Isugu Yeedhay

Garabka Is-Bahaysiga Musharraxiinta Oo Maanta Kulan Ballaadhan Ku Qabsanaya Caasimadda Hargeysa Iyo Jawiga Cakiran Ee Khilaafka Xisbigaasi Galay Wakhtigan

Hargeysa (Foore)- Shir Xalay toddobadii iyo badhka cawaysnimo loogu ballansanaa in uu ka dhaca qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ku dhexdhexaadinayay dhinacyada khilaafku ka dhex taagan yahay ee xisbul xaakimka KULMIYE, ayaa xalay baaqday, kaddib markii xubnihii matalayay garabka isbahaysiga musharaxiintu ay qaaddaceen kuna gacan saydheen in ay kulankankaasi xalay ka soo qeyb galaan, sida uu sheegayo warkaasi oo aannu ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews, oo soo xiganayso illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag dhow qasriga madaxtooyada.
Warku waxa uu intaa ku daray in xubnaha qaaddacay ka qeyb galka kulankaasi xalay baaqday ee matalayay garabka lsbahaysiga musharaxiintu ay kala ahaayeen Guddoomiye ku xigeenadda Labaad iyo Seddexaad, ee xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, iyo Xildhibaan Waabeeye, Cabdikariin Xannif, Iyo Xildhibaan Cali Aw Yuusuf. Illaa imika si cad umay shaacin xubnaha kulankan qaaddacay sababaha dhabta ah ee ku kelifay in ku gacan saydhka in ay kulankan ka qeyb galaan, balse kulankaasi si rasmi ah ayuu dhinacaasi uga baaqday.
Dhinaca kale, waxa xarunta qasriga madaxtooyadda ee la qoondeey in uu kalulnkani ka qabsoomo xalay ka soo xaadiray sida shabakaddu sheegayso oo kaliya xubnihii matalayay hogaanka sare ee xisbiga oo ay matalayeen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna musharaxa Madaxweynaha, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, Iyo Xoghayaha Guud Md. Xasan Siciid Yuusuf. Diidmada kulankan ayaa noqonaysa markii labaad ee ay garabka musharaxiinta u matalayay kulankani ay qaadacaan madasha uu Madaxweynaha Somaliland, ku dhexdhexaadinayay labada dhinac, isaga oo madaxweynuhu hore kulamo gaar gaar ah ula soo yeeshay dhinacyadan xisbiga ee khilaafku ka dhaxeeyo.
Dhinaca kale garabka isbahaysiga Musharraxiinta xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa in ay maanta kulan ballaadhan oo siyaasadeed ku qabsadaan Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa iyada oo aan la ogayn sababta rasmiga ah ee kulankaasi iyo arrimaha ay kaga hadli doonaan balse waxa illaa xalay Caasimadda Hargeysa laga dareemayay qabanqaabada kulankaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *