BREAKING NEWS
Search

Ganacsadde Axmed Xasan Oo Si Kulul U Beeniyey In Wasiirka Maaliyadu Cashuur Dhaaf U Sameeyay Shirkadiisa Seed General Trading Co

Hargeysa (GNS)-Mulkiilaha Shiradda Seed General Trading Co. Ganacsatade Axmed Xasan Seed ayaa Maanta Si adag ubeeniyay Warbixin ku Soo baxday Wargeyska Hubaal Cadadkiisii 27-aad, taasi oo sheegaysay in Wasiirka Maaliyadu Cashuur Dhaaf u sameeyay Shirkadda Seed Co.

Ganacsade Axmed Xasan Seed oo maanta Shir Jaraa’id ku Qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa Waxba kama jiraan ku Tilmaamay in Wasaarada Maaliyadu Cashuur Dhaaf usamaysay isaga oo soo bandhigay Decomenti cadaynaya Tacriifadaha Cashuuraha lagu bixiyo iyo Qaabka Bil walba shirkadu u bixiso Cashuuraha ku Waajibay iyo macaashal macaashkaba.
Ganacsade Axmed Xasan Seed oo Waxyaabo badan kaga hadlay shirkiisa jaraa’id ayaa waxa uu ku bilaabay sida tan“Anigoo Ah Ganacsade Axmed Xassan mulkiilaha shirkada seed general trading co, waxaan waxaan halkan ku beeninayaa war kusoo baxay jariidada hubaal oo ku saabsan in wasirka qiimo dhimis sharci daro ah noo sameeyey.
Waxaan qoray arji aan ku codsanyo laba shay oo an ku jirin buuga tacriifada in lagusoo daro buga tacriifada, si loo cashuuro, labadaas shay oo kala ah madiibado dhoobo yar-yar iyo madiibado dhoobo dhexe, waxa kaliiyaata oo buuga ku jira madiibada dhoobada ah ee waawayn, taasi oo aan u aragnay faa,iido dalka an usoo kordhinay, maalin wlba wixii cusub een tacrifada ku jirin sifo sharciya ayaa loo maraa si loogusoo daro aduunkana main walba wax cusub ayaa soo kordha waana lagu daraa waaana mid an kala simanahay dunida inteeda kale.
Hadaba anigoo arintaa ka Duulaya waxaan sifo sharciya ugu tagay agaasimaha waaxda kastamada isna wuxu si toosa ugu gudbiyey wasiirka maliyada, wasiirkuna wuxuu agaasimaha ku amray in sharciga la waaafajiyo, hadii aanay ku jirin buuga tacriifadana lgu daro sidii caadada ahayd.
Haddaba agaasimaha waaxda kastamadu wuxuu gudi sadex sarkaal ka kooban u saaray inay soo qiimeeyaan si loogsoo daro buuga tacriifada sadexda sarkaal oo kala ahaa:-
A) Maxamuud gahayr
B) Maxamed ducaale
C) Axmed c/laahi oomaar.
Anigana waxa laygu yidi mudo laba cisho dabadeed ah soo noqo inta lasoo hubsanayo, Wasiirku wax cashuur dhaaf ah nooma samayn kaliyaata waxauu qabtay shaqadii uu qaranka u hayey.
Waxaan kamid ahay ganacsatada dakhliga soo galisa wadanka oo mudan sharaf sifo sharciyana wax ku cashuurata, hadaba waxaan leeyahay ninka wasiirka sharafta iyo maamuuska kamudan ee kadoonayey sifihii hore ee lacagta lagu cuni jirey, waxba yaanu xagxaganin anagana nag dhiganin salaam been abuur ah oo wasiirka loo maro wasiirku maha nin qabiil meesha u fadhiy ee waa nin qaran meesha u fadhiya.
Haddaba waxaan leeyahay wargeyska hubaal iyo cida ka dambaysa inay kasoo baan daaha dabadiisa oo ay usoo badheedhaan wasirka iyo xukuumada.
Sidaa daraadeed jaraa,idka hubaal iyo cida kusoo qortayba waxaan la 6tiigsan doonaa maxakamad sharci ah, kamana hadhayo waanan ka rabaa cadayntii iyo halkay ka keeneen been abuurkaasi.
Waxaanan aaminsanahay cida qoraalkaas been abuurka ah qortay inay wasaarada maaliyad hore uga tirsanaan jireen kuwaasi oo a kuwii ku mamay hantida umada.
Haddaba markaan mxkamada sharciga ah la tigsano ayay cadaan doontaa cida waxaa ka dambaysaa, cashuurta dalka lagu maamulo anagaa bixina oo gancsatada ah tusaale ahaan anadkii ugu dambeeyey ee 2011 waxaan bixiyey billions, wax nagu baaqdaan ma jirto wixii aanu bixinay cadaynteedii oo u record garaysan wasaarada iyo company ahaanba waan haynaa ee nin hadal madhan oo bilaa xaqiiqa cidla la fadhiyaa ma haboona inuu dadkaxajimeeyo oo isku qaado waxaanu xaqiiqdeeda ogayn” ayuu yidhi Axmed Xasan Seed oo ah Mulkiilaha Shirkadda Seed General Trading Company.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *