BREAKING NEWS
Search

Gabboose Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Inay Fadhataysanayso Xubnaha Sarsare Ee Ururkooda Baaqna U Diray Madaxweynaha Soomaaliya

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA Dr: Maxamed Cabdi Gabboose ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyey in ay masuul ka tahay cid kasta oo sheegata in ay ururkooda ka baxeen sifaha ay doonaanba haku baxaane taasina ay dhaawac ku tahay milgaha tartan xor ah oo dhex mara ururada iyo xisbiyada siyaasadda.
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland ahna guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA Dr; Maxamed Cabdi Yuusuf (Gabboose) oo shalay waraysi kooban Hargeysa ku siiyay telefishanka gaarka loo leeyahay ee HCTV ayaa xusay in ay aaminsan yihiin in guddoomiye ku xigeenkii sadexaad ee dhawaan urur siyaasadeedkiisa isaga baxay ay xukuumaddu ka dambaysay. Isaga oo Dr: Gabboose arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi: “Waxaan doonayaa in aan idiin sheego in ururkayagu cabashooyin qabo. Ciddii naga tagta waxaanu qabnaa in xukuumaddu xidhiidh la samaysay. Waakan guddoomiye ku xigeenkii labaad i garab fadhiya. Ama ha la geeyo Huteel Hargeysa Club oo ha la jiifiyo ama shirkad ha la geeyo ama KULMIYE ayuu ku biiray ha la yidhaahdo cid kasta oo tagta waxaanu u aragnaa in xukuumaddu xidhiidh la samaysay. Arrintaasi dhankayaga dareen weyn ayay ku abuurtay. Dareenkay ku abuurtayna waxa weeye oo aanu u aragnaa in arrintaasi tahay mid milgaha tartanka wanaagsan ka baxsan”.
Dhinaca kale Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA Dr: Gabboose oo wax laga waydiiyay dareenkiisa ku aadan madaxweynaha Soomaaliya dhawaan loo doortay Xasan S. Maxamuud iyo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya u bilaabmay ayaa ku jawaabay sidan:
“Waxaanu aaminsanahay in ciddii wax idinka dhaxeeyaan wada hadal iyo wanaag lagaga dhammaysto, waxaanu aaminsanahay in wada hadalka lagu gaadhi karo guul aan dagaal lagu gaadhin. Sidaan ka war hayo waxaan maqlay in uu Hargeysa dhawr jeer yimid oo ku soo noqnoqday, taasi waxa ay keenaysaa in uu ka war qabi karo dareenka ay shacabku qabaan maadaama dareenka shacabku yahay kii ay ku goosteen ee iraadadooda ku dooneen in ay ku noqdana qaran madax bannaan waxaanan filayaa in uu taa ixtiraami doono”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *