Search

Gabay Loo Tiriyay Ciidanka RRU-Da “Umad Yahay Dhammaantiin Waa Erey Su’aalee RRU Maxay Tahay?

RRU Maxay tahay?
RRU Maxay tahay?
Umadyahay dhammaantiin
Waa erey su’aalee
RRU maxay tahay?
Ma Aarmi qaran oo
Arimaha gudaha iyo
Abtirsiin police iyo
Astaan ciidan haystoo
U adeega Shacabkoo
Amnigeena Dhawraa?
Mise aafo qarannoo
Ubadkeena layoo
Ilmihii dhaqaaqaba
Aakaha la dhaca oo
Aqaladda u daatoo
Agoomaha xasuuqaa?
Ma inkaar qabayaal
Faqashtii ka hadhayoo
Anshax aan lahaynoo
Dayday soo ahaayoo
Dirays aarmi xidhanoo
Umaddeena dhibayaa?
Ma ibliis dhashiisiyo
Jin la soo uruushoo
Aadamaha jidhkiisiyo
Insiga u ekaadoo
Na ugaadhsanaayaa?
Ma dhuljiif la ururshoo
Askartii siyaad iyo
Ubaxii kacaankiyo
SRC ka hadhayoo
Ak ga qaatoo
Cid u aabo dayinbaa?
Ma Argagixiso baasoo
Ameerikaan hubeeyoo
Afkooga u shaqaystoo
Ajaanibku wataanoo
Cidkale u adeegoo
Amarkooda fuliyaa?
Abdirahman Amin




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *