BREAKING NEWS
Search

Gabar U Shaqayanysay Laanta Socdaaalka Ee Dowlada Soomaliya Oo Saaka Lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho (Foore)-Kooxo aan la garan hayb tooda oo hubaysan ayaa saaka dil toogasho ah u gaystay gabar magaceeda lagu soo koobay Zaynab oo ka tirsanayd shaqaalaha garoonka diyaaaradaha ee Aadan Cabdulle, gaar ahaan Laanta Socdaalka dowladda Soomaaliya.
Marxuumadda ayaa xilliga la tooganayay waxay ku sii jeeday goobta shaqada, waxaana jidka u galay sida ay goob-joogayaashu sheegeen labo nin oo bastoolado ku hubaysanaa.
Saraakiisha waaxda socdaalku wali wax war ah kama soo saarin dilka gabadha.
Dilalka qorshaysan ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho mudooyinkii danbe.
Saraakiisha dowlada ayaa sheegay toddobaadkii hore inay heleen macluumaad sheegaya in dagal yahanada al-Shabaab oo lagaga adkaaday dagaalkii fool-ka-foolka ahaa ay qorshaynayaan qaraxyo iyo dilal qorshaysan.
Si Rasmi ah looma oga cida ka danbaysay dilkaan loo gaystay marxuumada iyo dilal kale oo fara badan kana dhacay maglad muqdisho.

Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *