“G/ Deegaanka Hargeysa Ma Yahay Mid U Qalma Maamulka Dawlada Hoose Mise Waa Ku Dulsaar…”Q:4aad

Qaybtii 3aad waxay kaga soo hadalnay Groups ka ama kooxaysiga Golaha Deeganka Gudihiisa ka jiraa inuu meesha ka saaray nidaamkii wadashaqeyneed (Team work) iyo inay kooxo wada xidhiidhaan Gooluhuna kala Oodnaado ,
Natiijooyinkii ka dhashay waxay noqdeen, is, aaminaad la,aan , maamul xumo baahsan, isla xisaabtan la,aan, musuqa oo kor u sii kaca, Qorshayaal la,aan ,Nidaam,laan IWM
Mashaariicda Hayadaha Samafal
Mashaariicda Qaadhaan bixiyayaashu inoo soo mariyaan Haayadaha Samafalka ugama faa’idaysano sida ugu haboonayde waxay nodaan sidan Hoose..
Hogaanka Xildhibaanada Golaha Deegaanku Xafiisyadooda marmar bay dhuumasho ku yimaadaan waxayna ku soo beegaan wakhtiyada kala Go,anta ee lasii rawaxaayo, markaasna inta ay joogaanba wey iska yar tahay ,
Haayadihii Samafalka waxa ku adkaatay inay la kulmaan maamulka waanay ku lu’gaan markastooy tagaan Xafiiska Dawlada Hoose wakhtiga shaqada , hadii balan xafiiskooda loo dhigana inay fuliyaan qorshaha uguma jirto waayo, xafiisyadoodi ayey iman kari laayihiin.
halkaasna waxa lagu waayaa oo inaga baaqda Mashaariic badan oo Arimaha bulshada iyo Dawlada Hoose ba wax badan ka tari lahaa.
Maamulka Dawlada Hoose Hargeysa Mashaariico kaloo badan Bulshaduna ka faa’idaysan lahayd waxay inagu seegaan marka haayadaha Samafalku ka waayaan Qorshayaasha dhaw ama fog (Short and long term strategy plan) ama Qorshayaal imika socda oo wax lagala qabto, qorsha la’aantaasina waxay haayadaha samafalka ku riday inay uga faa’ideeyaan meelo kaloo u diyaara sida wadamada aynu jaarka nahay ee Somalia, Kenya, Ethiopia, Djibouti.
Mashruucan GPLG oo isku xidha Haayado badan oo dawladaa waa (Joint Progarmme )haayad kastaana waxay kala shaqeysaa wixii ka quseeya , waxana iska kaashaday Shan haayadood oo kala ah ILO, UNHABITAT, UNDP,UNDS, IYO UNICEF , mashruucan waxa loo soo mariyaa (Accountable) u ah Wasaarada Arimaha Gudaha oo siyaasad ahaana Dawlahada Hoose hoos yimaadaan .
Mashruucani dawlada hoose ee Hargeisa iyo kuwa kaleba waxa uu kala shaqeeyaa ,maamul daadajinta (Power Decentralization ) kaabayaasha (infrastructure) sida Wadooyink , dhismayaal kala duwan sida Sariibadaha , laydhinta wadooyinka (street Lights) IWM iyo, kor u qaadista tayada shaqaalaha (Capacity Building)
Dhamaan meelaha Mashruucan GPLG gu kala shaqeeyo Dawlada hoose looguma shaqeeyo sidii saxda ahayd meelkasta waxa laga qabtaa wax faro guudkooda ah , wadooyinka mashruucan laynuuga sameeyey muddo yar bay ku burburaan ileen biyo mareena looma sameyne roobabka ugu horeeyana wada faruura, sababtuna waxa weeye waxa lagu naasnuujiyey shirkado yaryar oon lagu soo xulan sifihii sharciga waafaqsanaa ,lakiin danno gaari ka dhaxeeyo.
Shirkadahani waxay dhisaan wadooyin Tayadoodu liidato lana kala shaxaaday cidina lama xisaabtameyso ileen markii horaan shuruud iyo aqoon lagu soo xushay may jirine , waxa ka sii daran shirkadaha qaar ayey khaas u leeyihiin Masuuliyiinta dawlada hoose kuna magacaaban yihiin dadkale waxana lagu lunsadaa hantida Ummada kuwaasina waa (laa cadad walaa xisaab)
wadooyinkaas bilaa tayadaa ee naasnuujinta iyo musuqmaasuqu hadheeyey ayaan hanadana isugu dheeli tirnayn degmooyinka ama siday u kala mihiimsan yihiin loogu doorin bulshada, ood arkaysaa xildhibaanada qaar guryahoodii la hormarinayo waddo.
Mashaariicda world bank hayo waxa ka mid musharuuca (Solid and liquid waste Management) maamulida iyo nadaafada fayadhawrka qaybaha ka duwan ee xashiishkan magaalada buuxiyey lacagtaas xadigeedu waxa uu dhan tahay $13 Million (thirteen Million Us Dollar) World bank waxa uu ku aamini waayey Golihii Deegaanka markii laga waayey Qorshe cadoo u dajisan (Obvious strategy plan ) oo lagu maamulayo lacagtaas.
Waxba kama duwana lacagahaa maalin kasta Qorshe la’aanta inagu dhaafaya.
Lasoco Qaybta Dambe
Mustafe Ismail Abdi (M Diini)
(MA Candidate of IR and Diplomacy)
Mustapha20024@yahoo.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *