BREAKING NEWS
Search

G. Deegaanka Hargaysa Oo Tallaabadii Koowaad Ku Kala Daadiyey Danyarta Ku Ganacsata Waddooyinka

Hargeysa (Foore)- Golaha degaanka caasimadda Somaliland ee Hargaysa ayaa wax qabadkoodii saaka ku bilaabay banaynta jidadka waa weyn ee Magaaladda Hargaysa. Maayarka Caasimadda Eng: Yuusuf Siciid Warsame oo kaashanaya xubnihiisa golaha degaanka ayaa qaaday arooryadii hore ee shalay olole ballaadhan oo ay ku banaynayaan jidadka halbawlaha ah ee dhex mara Magaaladda Hargeysa.
Waxaa shalay subax la arkayay ciidanka dawladda hoose oo meesha ka saraayay bulaalka iyo kabadhada qaadka, kuwaas oo soo galay wadooyinka, sidoo kale waxay dawladda hoose barbar waday nadiifin xagga xashinka ah. Golaha degaanka Magaaladda Hargaysa oo dhawaan la soo doortay ayay dadku ka filayaan inay wajiga magaaladda bedelaan, isla markaana u yeelaan sawir caasimadeed.
Dhinaca kale Maayarka Caasimadda Eng: Yuusuf Warsame Siciid ayaa siweyn u ballan qaaday wakhtigii ololaha uu ku jiray inuu wax ka qabadan doono quruxda Hargaysa iyo wadooyinka burbursan, Malaha nidaam wadamarineed oo sax ah magaaladu, sidoo kale ma jiraan meelo calamadsan oo dadku ay ka gudbaan jidka dhexdiisa, taas oo dhalisay in ay is dhex qadaan baaburta iyo dadka lugaynaaya. Tallabooyinkaas oo dhan ayaa looga fadhiya Maayarka iyo golihiisa degaanka ee cusub.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *