BREAKING NEWS
Search

FIFA Oo Shaqada Ka Caydhisay Masuul Xubin Ka Ahaa Oo Maraykanka U Basaasi Jirey Xogaha Ururka

Zurich(Foore) – Kadib qalalaase dhinaca Musuqmaasuq ah oo muddooyinkii ugu dambeeyey ragaadiyey Xidhiidhka Kubadda Cagta ee FIFA, ayuu xidhiidhku shaqada ka caydhiyey hogaanka Chuck Blazer oo xubin muhiim ah ka ahaa, isla-markaana lagu eedeeyey Inuu xogaha u basaasi jirey Dawladda Maraykanka,

blazGuddiga Anshaxa ee FIFA oo go’aankan ku dhawaaqay maanta oo Qamiis ah ayaa sheegay in Mr. Blazer uu ku kacay dhaqane xummo muddo soo jiitameysay isagoo xil sare ka hayay FIFA iyo Xidhiidhka xubadda cagta ee waqooyiga iyo bartamaha America iyo Jaziiradaha Caribbianka ee marka la soo gaabiyo la yidhaahdo CONCA-CAF.

Mr. Blazer ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa laaluush la aqbalay, kuwo la bixiyay iyo lacago si sharci darro ah la isu daba mariyay.

Mr. Blazer oo ku soo dhex jiray cayaaraha muddo 20 sanadood ah ayaa ka mid ahaa saraakiisha kubadda cagta ee aduunka ugu awoodda badan.

Bishii November ee sanadkii 2013-kii ayuu si qarsoodi ah maxkamad uga hor qirtay dambiyo lagu eedeyay, hase yeeshee waxa uu heshiis la galay dacwad oogayaasha si uu uga caawiyo baadhista musuqmaasuqa FIFA.

Blazer ayaa u sheegay Qaadi Mareykan ah in isaga iyo saraakiil kale oo Guddiga Filinta ee FIFA ku jiray ay malaayiin dollar oo laaluush ku qaateen inay ka aqbalaan Faransiiska martigelintiisii Koobkii kubadda Cagta ee Aduunka ee sanadkii 1998kii. iyo kii ay martigelisay koonfur Africa sanadkii 2010kii.

Blazer oo 70-sana jir ah ayaa hadda saaran gaadhi curyaan isagoo la xanuunsanaya kansar ku dhacay oo looga daweynayo cusbital ku yaala New York, isagoo xukun suge ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *