Search

Faysal Cali Waraabe Oo U Jawaabay Cabdirashiid Xasan Mataan: “Facebook Iyo Chatting Siyaasi Laguma Noqdo”

Burco (Foore)- Eng Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha Ucid ayaa isagoo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer wuxuu diiday eedaha musharax xigeenkii xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo iscasilay u jeediyay ee ah in guddoomiye Faysal burburinayo xisbiga. Waxa uu sheegay inuu tacab badan xisbiga soo galiyay sidaas darteedna aanu gacantiisa ku burburayn.
Eng Faysal waxa uu sheegay in xisbigu galayo dib u qiimayn dhinaca musharaxiinta ah islamarkaana la eegi doono cidda xisbiga soo saari karta “Xisbiga waa la qiimaynayaa, waa la is dul taagayaa, yaa soo saari kara, yaa musharax xigeenka ku soo bixi kara ee xisbiga soo saari kara, hawshaas ayaa la galayaa, markaa waxaanu malaynayaa in Cabdirashiid ka baqday in lala tartami doono ama la caqabadayn doono oo aanu xisbiga taageero iyo dhaqaale midna aanu keenayn,” ayuu yidhi Egn Faysal.
Guddoomiyaha Ucid oo sii hadlaya ayaa sheegay inay la socdaan heshiisyo musharax xigeen Cabdirashiid la galay xisbiyada kale “ Waxba kama jiraan arrinta ah in khilaaf jiro, wuxuun buu ka cararay Cabdirashiid waar waa la is qiimaynayaa, arrintii way is bedeshay, xisbigu siduu u soo bixi lahaa ayaa dib loo eegayaa, markaa wax kale oo dhibaato ah oo na dhex taalaa ma jirto,” ayuu yidhi Eng Faysal.
Guddoomiye Faysal oo qorshaha cusub ee Ucid ka sii hadlaya ayaa yidh “ Qof walba waa la qiimaynayaa, xataa aniga ayaa la I qiimaynayaa markay shir weynaha gaadho bal inaan sii wadi karo iyo in la I bedelayo, qof kasta waa la qiimaynayaa waxani “wax Kitaab ku qoran oo Qur’aan ah maaha, Facebook iyo Chating Siyaasi laguma noqdo,” markaa waa in la eegaa, waar yaa wadanka wadi karaya, waar yaa umadda isku hayn karaya, waar yaa Somaliland iibin karaya, waa sidaas uune musharax ma ahana ma odhan,xumaan aan u hayaana ma jirto,” ayuu yidhi Eng Faysal.
Musharax kuxigeenka iska casilay xisbiga Ucid aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ku dooday in xisbiga Ucid burbur ku soo foolleeyahay, balse dadka siyaasadda Odorosa ayaa sheegaya inay suuro gal noqoto khilaaf xisbigaasi wajaho. Arrintan ayaa salka ku haysa musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi ee Kulmiye, iyadoo hogaanka Ucid qaarkood hore u muujiyay inaanu Jamaal Musharax ka noqon karrin Ucid, iyadoo loo eegayo isku degaanka ay ka soo jeedaan Muuse Biixi oo ay adkaanayso inay codad ay ku soo baxaan kala helaan, balse arragtidaasi waxaa hore uga jawaabay Jamaal xilli uu ku guda jiray barnaamij su’aalo lagu waydiinayay, wuxuuna ku dooday in si kasta oo ay tahay uu musharax ahaanayo, nasiibkiisana ka qaadayo doorashada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *