BREAKING NEWS
Search

Faysal Cali Waraabe Oo Dardar Gelinta UCID Ka Bilaabay Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin Oo Uu La Qaatay Waxgaradka Ardaayada Beesha Ciidagale

Muxuu Daarnaa Dardaarankii Iyo Warbixinihii Guddoomiye Faysal Cali Waraabe U Laqimay Waxgaradka Ardaayada Beesha Uu Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeedo?

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Shalay kulan qado ah oo siyaasadeed, saxaafaddana loo ogolayn waxa uu la qaatay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda badiba jifooyinka Beesha Koonfurta Hargeysa (Ciidagale).
Kulankaasi oo ka qabsoomay Huteel Royal oo ku yaalla agagaarka Ambasaddor Hotel waxa dhinaca odayaasha iyo waxgaradka beesha Ciidagale ka mid ahaa Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Beesha Ciidagale Mudane Cabdirashiid Jaambiir, waxgarad iyo siyaasiyiin dhammaantood ka soo jeeda Ardaayada Beesha Koonfurta Hargeysa (Ciidagale).
Kulankan oo ahaa mid dardaaran iyo warbixin isugu jira ayaa nuxurkiisu ahaa Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo odayaasha kala hadlay in ay ka qayb qaataan dardar gelin la doonayo sida uu hadalka u dhigay in lagu sameeyo xisbiga Mucaaridka ah ee UCID maadaama ay horena ka beel ahaan uga mid ahaayeen dadkii sida weyn u taageeray Xisbiga Doorashooyinkii kala dambeeyey ee uu ka soo qayb galay.
Ilo-wareedyo ka ag dhawaa kulankaasi qadada ah ayaa FOORE u xaqiijiyey in Guddoomiye Faysal Cali Waraabe aanu odayaasha Beeshiisa ee uu kulankan la qaatay kala hadal wax ku saabsan Musharraxnimada xisbiga UCID iyo in uu isagu mar kale isa soo taagi doono iyo in kale balse hadalka Guddoomiyuhu u badnaa dardaaran uu odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha kula dardaarmay in ay taageeradii ay la garab joogeen UCID halkii ka sii wadaan maadaama xisbigu u diyaar garoobayo doorashooyinka foodda innagu soo haya.
Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu odayaasha uu kulankan qadada ah la qaatay u faahfaahiyey xaaladda siyaasadeed ee xisbiga, gaar ahaan iyo guud ahaan ta dalka isaga oo u sheegay in xisbiga UCID Gudo iyo dibadna taageero ballaadhan ka kasbanayo sidaa darteed loo baahan yahay in ay dhinacooda ka qayb qaataan oo ay taageero iyo dadaal la garab joogsadaan si xisbigaasi guulo siyaasadeed u gaadho mustaqbalka. Sidoo kale Guddoomiye Faysal waxa uu odayaasha uga warramay in xisbigu is baddalo iyo dadaalo uu boodhka isaga jafayo bilaabi doono sida ugu dhakhsaha badan taasina ay la jaan qaadaan isaga oo aan faahfaahin hoose u sii galin balse sheegay in xisbigu isu diyaarinayo in uu dadaalo waaweyn oo siyaasadeed qaadi doono bilaha iyo toddobaadada innagu soo aaddan.
Ugu dambayn, Odayaasha iyo waxgaradkii kulankan Guddoomiyaha la qaatay ayaa iyaguna dhinacooda ballan qaaday in ay xisbiga UCID la shaqayn doonaan taageeradoodana la barbar joogsan doonaan, bulshada ay matalaana ku wacyi gelin doona sidii loo laban laabi lahaa taageerada xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ku leeyahay deegaamada beeshani degto.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *