Fashilkii Wasiirka Daakhiliga Ee Arrinta Saylac, Wasiirka Gaashaandhigga Oo Guure Ku Tagay Iyo Doodda Soo Laba Kaclaysay Ee Siyaasiyiinta Ciise Wasiir Duur Oo Maalintii 10aad Ku Sugan Saylac + Wasiirkii Hore ee Dhallinyarada Oo Ku Baaqay In Doodoodu Halkii Taagan Tahay Ciisena Aanu Ahayn Cid Reer Loo Baryayo

Saylac (Foore)- Wasiirkii hore ee dhalinyarada ,dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland Md. Cabdi Siciid Faahiye iyo Xilibaan Cali Sheekh Ibrahim Aareeye oo ka mid ah Golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay Shir Jaraa’id si wada jir ah ay ugu qabteen Magaalada Saylac.
Shirkan jaraa’id waxay labadan masuul oo ka soo jeeda beelaha degmada Saylac kaga hadleen khilaafka cakiran ee ka taagan Golaha Degmada saylac iyo halka uu taaganyahay. Labadan masuul waxay si kulul carabka ugu dhufteen inaanay marnaba cidna ka ogolaan doonin cidnaba inay jagada Maayarnimada ka tanaasulaan.
Sidoo kale waxay jawaab kulul ka bixiyeen hadal ka soo yeedhay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo doraad maruu saxaafada la hadlayay ku sheegay inaanay xukuumadu sugidda ammaanka cidna u daba fadhiisanayn, kana habranayn iyo madaxweynaha Somaliland Mudane: Axmed maxamed Siilanyo uu qancinta beesha Ciise waxbadan ku sameeyay.
Wasiirkii hore ee wasaaradda dhallinyarada, hidaha iyo dhaqanka Somaliland Md. Cabdi Siciid Faahiye oo ugu horreyn shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Ta maanta taagan, nabadda cidna lagama iibsanayoo, Ciise Intuu qori qaatay waan dagaalamayaa muu odhan,saami qaybsigana waanu sugaynee goormaa la diiday, yaa diiday, Waa waxaan labaatanka sanadood xaq u lahayn ee naga maqnaaye, Caawa iyo Beriba waan qaadanaynaa oo imikaba waan u fadhinaa, labtaatankaa sanadoodba wuu maqnaa saamigayagu”.
Cabdi Siciid faahiye isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray: “Waar laba nama wada qabato, saamigii beesha Ciise waa kaa ,agaasimayaal iyo waxba kuma wada qorna warqadda, hal agaasimana kuma qorna warqadda,wuxuu mansab ku yahay kuma qorna. Askari haday ku qorantahay iyo wax kale hadday ku qorantahayba xaqbaanu u leenahay saamigayaga cidna ugama tanaasulayno. Amuurta Saylac halkaa hataalee, sidaasay u xidhnaanaysaa ilaa iyo inta garawshiiyo iyo caqli wanaagsani imanayo, ee maskaxda saliimka ahi talinayso, waxayaga kale ee la sheegayo bal halkaa hala soo dhigo, markaanu qaadan waynana way diideen hala yidhaahdo”.
Xildhibaan Cali Sheikh Ibrahim Aareeye oo ka tirsan gobolaha wakiilada Somaliland oo isna shirkan jaraa,id ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi: “Ninkii gaalka ahaa ee Jarmalka ahaa markuu Xadka ilaa NFD, ilaa iyo Geestiir uu soo marayay, Soomaali ayuu dhex marayay, hadday Soomaali nafleedahay oo ay karti leedahay oo ragtahay gaalkii waday ayay dili lahayd,anigaa halkaa ku dilay, Bahdoon Gacanloo buu ahaa, taariikhda Akaademiga ayuu yaalaa hadda.
Waar anoo Sidaa Soomaali oo dhan ugu soo halgamay, anoo Somaliland xadkii la marinayay ku Gubay Gaalkii Jarmalkii, in maanta la I yidhaahdo anoo Qaran ah, ka bax, anigu nin reer loo baryo ma ihi”. Waxaa uu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Xil. Cali Aareeye: “Ciise waa qaran ninkii qolo u haystoow”. Muranka ka dhashay doorashadii golaha deegaanka Saylac ayaan ilaa hadda soo afjar min waxaan ku sii qul qulaya wasiiro iyo wufuu kale oo isku dayaysa inay soo afjaraan khilaafka dhiigu ku daatay ee Saylac bilba ka taagnaa. Dhinaca kale wasiirka wasaaradda gaashaan-dhigga Somaliland Md. Axmed X.Cali Cadami ayaa xalay gaadhay degmada Saylac isaga oo ka mid noqon doona waftiga xukuumadda ee halkaasi ku sugan




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *