farsama-yaqaanada timaha jara

Konton xubnood oo Xirfadleyaasha ka hawl-gala Rayiisleyaasha magaalada Hargaysa ayaa manta Aqoon iswaydaarsi uga furmay Hotel Hadhwanaag ee Caasimadda Hargaysa, kuwaasoo ka kala socday 25 Meheradood

Aqoon iswaydaarsigan ayaa waxa maal-geliyey Ururka USWO, isla markaana waxa ka soo qayb-galay Xoghayaha gobolka Maroodi jeex Xamse Ciise Cabdi, Guddoomiyaha Ururka USWO Cabdillaahi Xasan Digaale iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Ururka USWO Cabdillaahi Xasan Digaale ayaa sharaxaad ka bixiyey Ujeedada Aqoon iswaydaarsigan loo qabtay, taasoo uu sheegay inay tahay Faya-dhawrka iyo sidii ay Xirfadleyaashu uga digtoonaan lahaayeen Xanuunnada la isku gudbiyo, waxaanu ka dhawaajiyey inay muhiim weyn ugu fadhido Aqoon iswaydaarsigani Xubnaha ka soo qayb-galay oo uu sheegay in looga baahan yahay inay bartaan faya-dhawrka Qofka bini’aadamka.

Guddoomiyaha Ururka USWO waxa uu sheegay barnaamijkan looga dan leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa Xirfadleyaashan, isla markaana loogu samayn lahaa adeeg dhammaystiran oo ay ku shaqeeyaan, waxaanu tilmaamay in shaqadani ay tahay halbowle, isla markaana ay farsamo-yaqaanadu ay mar walba maanka ku hayaan inay hawl culus ummadda u hayaan.

Ugu dambayntii waxa Aqoon iswaydaarsigaa furay Xoghayaha gobolka Maroodi jeex Xamse Ciise Cabdi oo sheegay in barnaamijkani uu qiimo weyn ugu fadhiyo farsamo-yaqaanada ka soo qayb-galay, waxaanu u soo jeediyey inay aqoonta ay bartaan ku shaqeeyaan, isla markaana ka feejignaadaan wixii faya-dhawr xumo u keenaya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *