BREAKING NEWS
Search

Faroole Oo Ka Digtay In Doorashada Soomaaliya Loogu Hiiliyo Sh. Shariif Oo Uu Ku Eedeeyey In Uu Somaliland La Hadlay

Garoowe (Foore)- Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa ka digay in la musuqmaasuqo doorashada Madaxwaynaha Somaliya oo la filayo inay qabsoonto tobanka bishan September oo ku beegan Isniinta todobaadkan.

Maamulka Puntland, waxay sheegeen inay qaadan doonto go’aan ay aayaheeda kaga tashanayso haddii Madaxwayne loo doorto mid ka mid ah waxa ay ugu yeedheen hogaamiyayaashii guul-daraystay, waxayna fariin u direen Guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Somaliya Dr Jawaari.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Garoowe maanta ayaa lagu yidhi “Doorashadii guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka, Maxamed Cismaan Jawaari waanu soo dhaweynay, balse waxaan ku dhiirigelinaynaa inuu dhowro shuruucda iyo habka shaqo ee baarlamaanka iyo dastuurka federaalka ah”

War-saxaafadeedka Puntland ka soo baxay waxa kale oo lagu yidhi “Haddii lagu soo doorto hoggaamiyeyaashii guul-dareystay si aan cadaalad ahayn, Puntland waxay qaadanaysaa go’aan ay aayaheeda kaga tashanayso, si waafaqsan dastuurka u yaala”

Ka sakow qoraalkan, waxa la sheegay in Maamul goboleedka Puntland ka warwarsan yahay in Madaxwayne loo doorto Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay hore isugu dhaceen Madaxwayne Faroolaha Puntland, ka dib markii Sheekh Shariif iyo Somaliland wada hadalo mustaqbalka Somaliland u fiicani, taasoo ka cadhaysiisay Maamulkaasi.

Dhinaca kale, ololaha doorashada Madaxwaynaha Somaliya ayaa meel xaasaasi ah maraysa, waxaana lagu soo waramayaa in Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah oo Musharixiinta ka mid ahi uu isticmaalayo lacago xad-dhaaf ah, iyadda oo la sheegay inuu dhaarsaday xildhibaano badan oo baarlamaanka ka mid ah oo uu lacago badan u siiyay si ay ugu codeeyaan.

Musharixiinta ilaa hadda ugu cad-cad 25-ka Musharax ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin Sheekh Shariif, Gaas iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo shalay khudbad layaable u jeediyay baarlamaanka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *