Fadeexadda Ka Taagan Iibka Sawir-Gacmeedka Ciise Masiixi Ee Amiir Salmaanka Sucuudigu Ku Iibsaday $450-Million, Xaqiiqada Sawirka Iyo Goobta Lagu Kala Iibsaday

Riyaad, Dec 11, 2017 (Foore)- Waxa labadii toddobaad ee ugu dambeeyey hadal haynteedu socotaa fadeexad culus oo hadhaysay Dhaxal-sugaha Boqortooyo ee waddanka Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Bin Salmaan Aal Sacuud oo la sheegay in uu sawir gacmeedka caanka ah ee Gaaladu sida weyn u tixgaliso ee lagu magacaabo Salvator Mundi oo ah sawir Gacmeed laga sameeyey sida ay gaaladu aaminsan tahay Nabi Ciise (CS) uu ku iibsaday Lacag Xaddigeedu ka badan yahay 450 Malyuun oo Dollar.
Warbaahinta Maraykanka ayaa Jimcihii aan soo dhaafnay waxa ay qarxiyeen sir muddo badan huursanayd oo la xidhiidha xaqiiqo ahaa cidda rasmiga ah ee Sawir Gacmeedkaasi iibsatay taasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey Warbaahinta Carabtu gaar ahaan Telefishanka Aljazeera uu si weyn u baahiyay xaqiiqooyinka la xidhiidha Sawir-gacmeedkaasi.
Wargeysyada ugu caansan dalka Maraykanka sida Washington Post, New York Times iyo Wall Street Journal ayaa dhamaantood bogaggooda hore ku soo daabacay warbixino la xidhiidha Xaqiiqada iibka Sawir-gacmeedkaasi oo fadeexad ku noqday Boqortooyada waddanka Sucuudiga oo la sheegay in ay iyagu iska leeyihiin mulkiyadda Sawir-gacmeedkaasi oo ay ku iibsadeen xaddigaasi Lacagta ah, inkasta oo sawirkaasi hab qarsoodi ah loogu qoray Matxafka Louvre ee ku yaalla Magaalada Abu Dabay ee dalka Imaaraadka oo ah matxaf waxyaabaha taariikhiga ah la dhigo oo laga hirgeliyey Imaaraadka.
Arrinka la xidhiidha sawir-gacmeedkan ayaa imika kala caddaaday wixii ka dambeeyey 15-kii November 2017 oo ahayd markii ugu horraysay ee arrinka sawirkani soo baxo, maalintaasi oo sawir-gacmeedka Salvator Mundi ee muujinaya Sayid Masiixi in la kala siistay in ka badan 450 Malyuun oo dollar iyada oo lagu kala iibsaday Magaalada New York. Waxa maalintaasi lawxaddan iibsaday Amiir Badar Bin Cabdalla Bin Maxamed Bin Farxaan Aal Sacuud, waxaanu wargeyska Wall Street Journal sheegay in uu wakiil uga ahaa iibka sawirkaasi Amiir Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal-sugaha Boqorka Sucuudiga. Maalintaasi iibka sawirkani dhacayay ee warbaahintu toos u soo tabinaysay waxa uu Amiir Badar Cabdalla Aal Sacuud sheegay in uu Sawirkan dhigi doono Matxafka Louvre ee Imaaraadka oo ay iyagu iska kaashadeen iibkiisa balse warbaahinta Maraykanku waxa ay imika ogaadaan in ninka uu Amiir Badar uga wakiilka ahaa iibka sawirkani xaqiiqo ahaan uu noqday Amiir Maxamed Bin Salmaan kaasi oo aan la ogayn waxa ku fallifay sawirkan oo caqiido ahaan aanay dadka islaamka ahi aad uga soo horjeedaan.
Xaqiiqooyinka Sawir-Gacmeedka Salvator Mundi:
Sawir-gacmeedka Salvator Mundi waxa la sawiray intii u dhaxaysay sannadihii 1506 iyo 1516, waxaana sawirkaasi gacantiisa ku sameeyey Farshaxamiistaha caanka ah ee Reer Talyaani Leonardo da Vinci oo ah Farshaxamiistihii caanka ahaa ee sawiray sawirrada caanka ah ee Kiristaanku sida weyn u tixgaliyaan ee ay guryaha ku dhejistaan ee ay ka mid yihiin Mona Lisa, The Last Supper, Annunciation, Vitruvian, Baptis, Salvator Mundi, The Virgin iyo kuwo kale oo badan. Farshaxamiistahaasi waxa uu sawir gacmeedkan Salvator ugu talo galay oo uu wakhtigaasi u sameeyey boqor Luis-kii 12aad ee dalka Faransiiska si uu qasrigiisa u dhigto waana sawir cibaado oo Kiristaanku aad u jecel yihiin.
Dad badan ayaa haddaba aad ula yaabban sababta keentay in Maxamed Bin Salmaan uu lacag xaddigaasi le’eg ku iibsado sawir-gacmeedkan wakhti dalalka islaamka gaar ahaan dalka Yemen oo Sucuudiga jaar la ah ay ka jirto xaalad bani aadamnimo tii ugu xumayd inta la og yahay taariikhda dalalka Jasiiradda carabta. Sidoo kale dalka Sucuudiga oo ay ku yaallaan labada Xaram ee sharafta lihi ayaan caqiido ahaan iyo dhaqan ahaanba jeclayn sawirrada noocan oo kale ah iyo xataa kuwa la qoro ee guryaha lagu qurxisto maadaama caqiiqada islaamku si weyn sawirrada noocan oo kale ah uga soo hor jeeddo waana dhacdo ugub ku noqonaysa taariikhda islaamka in nin ka mid ah qoyska boqortooyada dalkaasi uu lacag ku dhaw 500 oo Malyuun oo dollar uu siisto hal sawir gacmeed oo waliba ah sawir gaalada macno weyn ugu fadhiya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *