FADEEXADAHA MUSUQMAASUQ EE KA JIRA HAYADA FAO SOMALIA/SOMALILAND IYO MOOGANAANTA XUKUMADA SOMALILAND Qaybtii II aad

Qaybtan waxaynu kuu eegaynaa musuqmaasuqa ka jira xafiiska FAO Somalia/Somaliland ee hormuudka uu ka yahay  isuduwaha mashaariicda xoolaha ee Somalia Massimo Castiello  ee ku aadan  arimhan hoos ku xusan

  • Fursadaha shaqo iyo  qaabka shaqaalaynta (job opportunities and  the policy of recruitment for FAO Somalia which is not fair and transparent)
  • Mashaariicda iyo Waxqabadkooda  (Projects and impacts)
  • Shaqaalaha sare sare iyo jagooyinka ay hayaan (FAO Somalia Staff)

Aan ku horaynay arinka halka fadeexadaha ugu waawayni ka jiraan ee ah  Fursadaha shaqo iyo  qaabka shaqaalaynta (job opportunities and  the policy of recruitment for FAO Somalia),  waxa jira inaan loo marin dariiqa saxda ee loo maro shaqaalaynta sida uu dhigayo sharciga shaqaalaha taas oo ah arimahan soo socda

  • Diyaarinta nooca shaqada iyo shuruudaheeda (preparation of the job description and ToR for the vacancy) taas oo ay tahay in Wasaarada ku shaqo lahi ku luglahaadaan marka la diyaarinayo shuruudaha ay shaqadaasi u baahan tahay
  • Waa in marka hore lagu baahiyaa shaqada banaanaata wadanka gudihiisa laguna baahiyaa suxufka maxaliga ah (advertising the vacancy through the local media)
  • Xulida  (short-listing)cida soo codsatay ee buuxisay shuruudihii  shaqadaas taas oo ay tahay in ay ka qaybqaataan  ama goobjoog ka noqdaan cida ku shaqada lihi sida Wasaarada shaqada iyo line ministeriga
  • Diyaarinta imtixaanka qoraalka ah iyo ka hadalka ahba (Arranging written and interview test) sidoo kale ayadoo ay kulugyeelanayaan ama direct involved ku noqonayaan wasaaradaha u xilsaarine
  • Soo saarista iyo ogaysiinta qofka ku guulaystay shaqadaas (final result)

Hadaba waxa cajiiba in dhamaan arimahaas dhan uu si cad iskaga indho tiro Xafiiskani isla markaana  aanu hal shardi ka fulin arimahan aan kor kusoo sheegnay, waxa jirtay in shaqada ay iyagu diyaarsadaan islamarkaana ay ku baahiyaan websiteyo laga leeyahay Kenya sidoo kalena aanay cidna ogaysiin goorta la shqaaleeyay iyo qaabka loo shaqaalayay, sidoo kalena habayaraatee ma jirto wax cashuura oo ay bixiyaan shaqaalaha ajanabka iyo muwaadiniintu midna, hadaba waxaan tuaalo usoo qaadnaynaa shaqadan la baahiyay wakhtigan …….. isla markaana goobta shaqadu tahay Hargeisa, caasimada Somaliland balse aan lagu baahiyay websiteska kenyanka ah

 

VACANCY ANNOUNCEMENT NO: FAO/021/2011 Issued on: 22nd August 2011

Deadline For Application: 01st Sept 2011

POSITION TITLE: Operations Manager (DFID-SEED Project) GRADE LEVEL:

DUTY STATION: Somaliland, Hargeisa, Somalia with frequent in-country travel ORGANIZATIONAL UNIT: Somalia Country Office (FAO-Somalia)

ELIGIBLE CANDIDATES: ALL NATIONALITIES

ANTICIPATED START DATE: As Soon as Possible

 

Position kan  iyo laba ka horeeyayba lama yaqaaan meel lagu baahiyay iyo meel lagu qaatay qofkii loo baahnaa laakin waxa jirta in ay jirto in loo diyaariyay muwaaadin aan u dhalan Somaliland iyo Somalia toona isla markaana loogu talagalay Kenyan arinkaasina uu wado madaxa mashaariicda xoolaha ee Somalia (Livestock Projects Coordinator for FAO Somalia)

Waxa iyana jira qaar lamida jagadan oo sidaad oo kale uun uu xushay xafiiskaasi isaga oo aan cidna la socodsiin iskana indha tira shuruucda dalka iyo ta caalamiga ahba

Fadeexadaha kale ee jira waxa kamida kuwa dhanka mashaariicda xoolaha (livestock Project) eek u aadan Somaliland waxa jira in ay FAO ka wado dalka dhawr mashruuc balse waxaynu eegaynaa mashruuca SEED oo ah mashruuc loogu talagalay horumarinta shaqaalaha iyo dhaqaalaha wasanka islamarkaana miisaaniyadiisu tahay £13 million oo ah giniga sterliiniga ee wadanka ingiriiska  ama UK currency (Pounds)   mashruuca waxa  lagu daahfuray Hargeisa horaantii 2010 kii taas oo ay maal geinayso hayda deeqaha u qaabilsan boqortooyada ingiriiska (DFID) mashruucan waa mudo afar sano ah markaa waxay ahayd in uu wejiga hore bilaabmo December 2010 ka uu dhamaadana March 2012 ka isla markaana wejibga labaad bilaabmo April 2012 to March 2014, hadaba waxa la yaableh xaguuka dhacay mashruucani ilaa hadana single activity kama fulin, waa kan hoos ku qoran mashruucan iyo wakhtigii loogu talagalay inuu fulo taas oo lacagtiina la lunsaday welina aan waxba laqaban xaataa waxa lagu dhagaxdhigay mashruuca saydalada hargeisa oo ay ahayd in loo dhiso dayr ama derbi taasi oo aan waxba laga qaban iska daa goboladoo

The United Kingdom has launched a £13 million aid package aimed at reinforcing stability and boost economic growth in Somalia.

Sustainable Employment And Economic Development Programme (SEED) is a 4-year programme of £12.9m, with a major a goal to improve stability in Somalia through economic growth and sustainable employment. The programme will be implemented in two phases-phase one: from December 2010 to March 2012 and Phase two: from April 2012 to March 2014.

Fadeexdaha kale ee FAO Somalia waxa kamid ah mashruuca hilibka  SOM Meat (OSRO/SOM/811/EC) ee ay maal gliso midowga yurub (EC Funding) mashruucaasi oo ah mid uu ku badan yahay wax is dhaafdhaafintu waxaana jira in loogu talagalay ka shaqaynta arimaha hilibka (meat hygiene) sida shuruucda meat act iyo dhisida iyo daryeelida kawaanada lagu qalo xoolaha (slaughterhouses)  waxa jirta xaga sharciga la rabo in golaha wakiilada Somaliland la hor geeyo iyadoo lasoo marinayo wasaarada xanaanada xoolaha uu yahay mid uu iska soo diyaarsaday Massimo islamarkaana meelaha qaarkii ay si toosa uga hor imanayaan sharciga islaamka iyo dhaqanka soomaalida ee dhanka gawraca taasi oo ah in uu qorayo in neefka la suuxiyo marka la gawracayo , d

Dhanka kawaanada xoolaha lagu qalo (slaughterhouses)  waxa jira in aanay kala tashan dawlada iyo dadkii ay ahayd inay kala tashadaan(Stakeholders) sida dawlaaha hoose iyo hiliblayaasha, islamrkaana waxa jira in weli jiro murn xoogani kajiro kawaanka Boorama iyo ka burco hadaba waxa jirta inaan wax natiijo ah oo faaiido ah aanay Somaliland ka hayn mashaariicdaas FAO

Dhaka shaqaalahay FAO Somalia waxay ka kooban tahay 16 qof oo shaqaalaha senior ka ah waxa weeye todoba waa Kenyan todobana waa Italian halkan laba muwaadin oo u dhashay koonfurta soomaaliya (Drs. Afrika iyo Fanax)ay ka mid yiin,  waxay jiray nin isagu khabiir shahaadada sare ee PHD ku haysta arimaha xoolaha lana yidhaahdo Dr.Abdiqaadir Farah waxa  la dhigay buulka waxaana lagu attach gareeyay ama lageeyay xafiiska Terra nuova because is over qualified than Massimo waxa jira ilaa sadex muwaadin  oo local Somalialnders ah laakin ah very junior position in ay hayaan waxaanay yihiin (Mohamed jama, Abdilahi Rebile iyo Ahmed Aidi)

Waxa jira in mashruuc xoolaha ah oo cusub uu maalgelin doono bankiga horumarinta Africa (African Development Bank) oo sida la filayo dhawaan laga fulin doono dalka  isaga oo lasoo marsiin doona IGAD hadaba waxa cajiiba in Massimo uu sii dhigtay nin la yidhaahdo Dr.Selamon  Munyua  una magacaabay  liaison officer  FAO in IGAD isla markaana hada mushaharka uu ka qaato FAO Somalia arintaana uu wado Massimo oo ujeedadiisu tahay in dhamaanba isagu keligii sida uu doono  uu maamulo wixii la xidhiidha xoolaha Soomaalida  meelkastaba haka yimaadaane

Hadaba waxa cajiiba dawladii u xilsaarnayd la xisaabtanka iyo lasocdka hayada inay arimahan daawanyso sidoo kalena donors ka sida EC, DFID, World Bank etc waxay u samayn waayeen dabagal ama luck of tit supervision ayaa ah iyana mid isweydiin leh

Muse Bashiir Hassan

Muuse_bashiir 2007@gmail.com

Hargeisa Somaliland




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *