Fadeexad Dul Hoganaysa Maamulka Wajaale Markii Dhul Uu Leeyahay Dugsiga Hoose Ee Wajaale Laga Iibiyay Dad Ganacsato Ah

Wajaale (Foore)- Dadweynaha Ku nool Magaalo Ganacsiyeedda Tog Wajaale ayaa walaac weyn ka muujiyay qaybo ka mid ah dhul uu leeyahay iskuulka Hoose ee Degmada Wajaale Mujaahid Mahdi Cali oo la iibiyay.
Shacbiga Degmada Wajaale ayaa maalmihii ugu dambeeyey si weyn uga qaylinaya fadhatada iyo boobka lagu hayo iskuulkii ay ardaydoodu wax uga dhiganayeen, dugsigan ayaa ah iskuulka hoose (Primary school) ee kaliya ay lahayd Magalada Wajaale oo ay dhigtaan arday aad u tiro badan.
Qaylo dhaantan ka imanaysa dadweynaha ku nool degmo xuduudeedka wajaale ayaa ku soo beegmaysa xilli mar labaad la iibinayo dhulkii gaar ahaa ee dugsiga barxada u ahayd.
Waa markii labaad ee dhul uu leeyayay iskuulka mujahid Mahdi Cali laga iibiyo dad ganacsato ah oo ay meherado ka samaysteen iyadoo iibkaan ay ku lug leeyihiin qaar ka mid ah masuuliyiinta waxbarashadda ee degmada wajaale.
Warka ayaa intaa ku daraya in dhulkii hore laga iibiyay kooxo ganacsato ah oo laga siiyay lacag qadarkeeda lagu qiyaasay $120,000 kun oo dollar, halkan dhulkan kalana hadda lagu baayacayo lacag dhan $160,000 kun oo dollar.
Qaar ka mid ah dad waynaha wajaale oo aan xidhiidh la sameeyay ayaa ii xaqiijiyay in boobkaasi jiro walibana ay niman masuuliyiin ahi oo wasaarada waxbarashada qaybteeda wajaale ay iibinayaan horena ay u iibiyeen qaybtii hore, waxayna cod dheer ku sheegeen in ay arintan ay aad ugu xun yihiin waxaana yidhaahdeen “waxaanu baaq u diraynaa wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Md C/lahi Dheere oo aanu leenahay arrintan ay ku kaceen masuuliyiin iyo ashkhaas gaar ahí in ay iibiyeen dhulkii iskuulka in aad naga soo gaadho oo talaabo sharci ah ka qaado, haddii kale waxay wada iibin doonaan iskuulka gabigiisaba”
Isku soo wada duub baaqan ay dirayaan waxgarad wajaale ayaa ah mid ay kaga dhiidhiyeen boobka lagu hoyo goobihii waxbarashada ee dadka ka dhexeeyay oo dad gooni ahí ay ku takri faleen, waxayna sheegeen in dhulkaa hore iibkiisa ay wasaaradu waxbarashadu hore u xayirtay walaw dadkii iibsaday ay dhagaha ka furaysteen oo ayna dhag jalaq u sin sidaana ay ku hantiyeen dhulkii iskuulka kana dhisteen meherado ganacsi.
Warbixintan waxa diyaariyey Wariye Madax Banaan: Kamaal Sh Ismail Aden




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *