Search

Fadeexad Culus Oo Ka Taagan Wasaaradda Ciyaaraha Iyo Wasiirka Oo Ku Tallaabsaday Tallaabo Foolxumo Shaqo Ah Oo Laga Xumaaday

Hargeysa (Foore) – Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Axmed Cabdi Kaahin oo shalay hor tagay gudida Arimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada ayaa markii uu ka soo baxay Kulankaasi waxa uu warbaahinta u xaqiijiyay inuu xidhay Xoghayntiisii Khaaska ahayd oo ay wali xidhan tahay,waxa kale oo uu ka hadlay khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo isaga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi oo kulankaasi shalay Isaguna ka maqnaa oo aan ka soo xaadirin.
Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Axmed Cabdi Kaahin ayaa sheegay inuu xidhay xoghayntiisii khaaska ahayd oo uu ku tuhusan yahay inay farsamaysay wax uu ku sheegay Dhokumanti uu u dhiibtay oo taalay xafiiskiisa xoghaynta ay uga ahayd Gabadhaasi,waxaana uu yidhi “Dhukumanti Xafiiska yaalay oo markaa la dhigay ayay ahaayeen laakiin faah faahintiisa waxa uu ahaa gudo ahaan idiin sheegi mayno,laakiin baadhistii way noo socotaa,waananu xidhnay Gabadhii,Xafiiska Xoghayntayda ayaanay ahayd,Gabadha Xoghayntayda fadhida wixii Xafiiskayga aan ka waayo iyada ayaa masuuliyadeeda leh”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay.
Waxa kale oo uu ka hadlay khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo isaga iyo Agaasimihiisa guud oo ay warbaahintu wax ka waydiisay waxaana uu yidhi isagoo khilaafkaasi beeniyay “Wax khilaaf ahi nooma dhexeeyaan aniga iyo Agaasimaha,shaqo ayuu ku maqan yahay,markaa in la hubsado ayaa wanaagsan,shaqo ayuu dibabad magaalada uga baxay” .ayuu hadalkiisa ku soo koobay.
Waa wasiirkii u horeeyay ee Xoghayntiisa u xidha Xatooyo iyo tuhun aan la hubin,waxaana muuqata in wasiirku uga shakiyay inay Xoghayntiisu u gudbisay Agaasimihiisa guud Dokumenti uu ka qarinayay,waxaana arintaasi ku noqonaysa Wasiirka buro madaw oo aan ka tirtirimi doono oo dacaayad u noqota taariikhdiiisa Dambe iyo meel kasta oo uu tago. Waxa caado ahaan jirtay in haddii uu Masuulku ka shakiyo Xoghayntiisa uu shaqada ka fadhiisiyo balse waxa ay arintani intii maqashay ku noqotay naxdin maadaama oo ay gabadh tahay. Arrinkan oo aad loola yaabay intii uu soo shaac baxay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *