BREAKING NEWS
Search

Faarax Cabdiqaadir Oo Fashiliyey Xidhiidho Qarsoon Oo U Dhaxeeya Siyaasiyiinta, Ganacsatada Iyo Wadaaddada Somaliland Iyo Somalia

“Haddaan Baryo Qaarkood Xidhiidh Jirin Maanta Muqdisho Iyo Hargeysa Si Weyn Ayay Isugu Xidhan Yihiin Wada Hadalo Joogsadayna Ma Jiraan” …… Faarax Cabdiqaadir

Muqdisho (Foore)- Wasiirkii hore Wasaaradda Garsoorka & Dastuurka Soomaaliya Md. Faarax Cabdiqaadir Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda Muqdisho ugu awood badan ayaa sheegay in aanay jirin wada hadalo u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo is taagay balse ay jiraan oo kali ah kuwii muuqday ee Turkiga oo hakad galay balse labada dhinac si weyn isugu xidhan yihiin oo ay jiraan xidhiidho u dhaxeeya Madaxda labada dhinac, Ganacsatada iyo culimada isaga oo sheegay in si weyn la isu dhex galay oo aanay jirin wax labada dhinac u dhaxeeya oo weyni lana midoobi dhawaan sida uu hadalka u dhigay.
Faarax Cabdiqaadir oo lagu waraystay Barnaamijka Xaqiiqo Times oo ka baxay Telefishanka Maamulka Soomaaliya, waxna laga waydiiyey halka ay ku dambeeyeen wada hadalladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay in la kala mashquulay oo kali ah, qolo walibana ku mashquulsan tahay xaalado gudaheeda ah balse dadku sida kale isugu soo dhawaadeen oo aad isugu xidhan yihiin isaga oo tusaale u soo qaatay xidhiidhada sii kordhaya ee u dhaxeeya Siyaasiyiinta labada dhinac, Ganacsatada iyo Wadadaada ama culimada oo uu sheegay in isku xidhkaasi iyo isu soo dhawaanshahaasi muujinayo rajo uu sheegay in ay qabaan ka maamul ahaan oo ah in Soomaaliya ku midoobi doonto Xukuumadda Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho, sida uu masuulkani ku dooday.
Faarax Cabdiqaadir oo la sheego in uu ka yahay xubnaha ugu miisaanka culus Maamulka taagta daran ee Muqdisho fadhiya ahna ragga ugu awood badan ee mus-dambeedka u ah Madaxweynaha Villa Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dooday in xidhiidho hoose jiraan kuwaasi oo u dhaxeeya Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland iyo Soomaaliya sida Culimada iyo waliba ururada Bulshada, xidhiidhadaasi oo uu ku tilmaamay kuwo muujinaya isu soo dhawaansho aan hore u jirin dhawr iyo labaatankii sano ee ay meesha ka baxday xukuumaddii Kalidii-Taliye Maxamed Siyaad Barre, dhinacoodana arrinkaasi guul ka tilmaamayo maadaama ay u taagan yihiin in ay ka dhabeeyaan hammigooda ah in Soomaaliya mid ahaato.
“Wada Hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya arrimo farsamo ayay u hakadeen. Ma qabo in ay u joogsadeen is af garansho la’aan iyo khilaaf. Annaga xaggan (Somalia) waxa jira arrimo hoose oo mashquul na galiyay oo aanu ku hawlanahay, iyana (Somaliland) waxaad ka war qabtaa in ay ku jiraan xaalado kala guur ah oo ay doorashooyin ku soo fool leeyihiin oo ay ku mashquulsanaayeen arrimo siyaasi ah oo la xidhiidha doorashooyinka dib u dhacay. Arrimahaasi ayaa keenaya in ay yar hakadaan wada hadalladii balse waxaan kuu sheegayaa umadda labada dhinac ee Soomaalida ahi aad ayay isaga soo dhawaadeen sidii ay hore u ahaan jireen. Waxaan ogahay in ay isku xidhan yihiin oo ay xidhiidhaan siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta maamuladu, waxa kale oo isku xidhan Bulshada qaybaheeda kala duwan sida Culimada, Ururrada Bulshada iyo ganacsatadu, taasina waa arrin tilmaamaysa in uu jiro hilaw iyo isu soo dhawaansho muujinaya in Soomaaliya mar dambe gacaheeda isku taagayso oo ay mid noqonayso” ayuu yidhi Faarax Cabdiqaadir oo barnaamijka Xaqiiqo Times ugu warramayay wariye Yuusuf Xasan.
Si kastaba ha ahaatee, arrinkan Faarax Cabdiqaadir ka hadlay ayaa u markhaati furaya dooddo in badan oo reer Somaliland ahi hore u qabeen oo muujinaysa in tan iyo markii xukuumaddan talada haysaa timid ay kordheen xidhiidhada u dhaxeeya labada dhinac kuwaasi oo ahaa qarsoodi, iyada oo marka hore la tuhmi jiray dhinaca Wadaadada balse ay imika u muuqato sida uu masuulkani sheegay in ay isku xidhmayaan Siiyaasiyiintu, taasina noqonayso arrin dhabar jab ku ah qaranimada Somaliland oo loo baahan yahay in il gaar ah shacabku ku hayo, si aanay u iman khiyaamo qarannimo oo lagu mijo xaabiyo qarankoodan curdinka ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *