BREAKING NEWS
Search

Ex. Xildhibaan Xasan Maxamed Jaamac Oo Dhaliilay Aragtiyo Somaaliland Iyo Somalia Isku Dhex Milaya Oo Soo Badanaya

“Ma Shilimaad Yar Baan Siisannaa Qaranimadeenii Iyo Gobanimadii Aan
La Soo Noqonay Oo Aan Kala Garan Waynaa Somaliland Iyo Soomaaliya”

Hargeysa (Foore)- Mudane Xasan Maxamed Jaamac oo ka mid ahaan jiray xildhibaanadii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si ba’an u dhaliilay arrimo wakhtiyadan dambe innagu soo noqnoqda oo ah in dad muwaadiniin ahi arrimo ay qabanayaan ku qabtaan magaca Somaliland iyo Soomaaliya oo isku dhex jira iyaga oo shilimaad kooban siisanaya qaranimadii iyo milgihii umaddani lahayd, taasi oo dhaawac ku ah himiladii aynu doonaynay in ay ku noqono qaran madax bannaan oo qayrkii la tallaabsada dunidana ka mid noqda balse xaalkeenii noqday in aan dalkeenii iyo dalkii aynu gobanimada kala soo noqonay kala garan wayno.
Ex. Xasan Maxamed Jaamac oo daba socday dhawr arrimood oo muddooyinkan dambe dadka qaarkii caadaysteen ayaa sheegay in uu aad uga xun yahahay arrinkaasi oo ah mid aanay bulshadu si weyn ugu baraarugsanayn balse halis weyn ah isaga oo tusaale u soo qaatay mar shalay masuuliyiinta Jaamacadda Abaarso Tech ay xaflad u qabanayeen arday, xafladdaasi oo masuuliyiinta jaamacaddu is daba dhigeen in ay mashruucan ka wadaan magaalooyin Soomaaliya iyo Somaliland iyaga oo ay goob joog ahaayeen waliba masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada iyo masuuliyiin kale lagana sii daayay Telefishankii qaranka. “Waar marka qof hawl gaar ahi qabsado ma shilimaad yar ayuu qarankiisa oo dhan siisanayaa, waa maxay magaalooyinka Soomaaliya iyo Somaliland ee sidii in ay hawl waddan oo kale yihiin dabada la isugu qabanayaa. Aaway damiirkii dadnimo iyo qaranimo. Waxaa wax nasiib darro ah in aad maalinta warbaahinta ku arkayso dadkeenii oo kala garan laha waxa ay dawladnimadoodu ku taam noqonayso oo wali ay ku qufulan tahay Soomaaliya. Arrinkaasi waa nasiib darro waxaana xukuumadda looga baahnaa in ay il feejigan ku eegto arrintaasi. Madaxweynaha maanta qaranka maamulaa waa ninkii looga baahnaa in uu waxan tallaabo ka qaado oo il gaar ah ku eego”. Ex. Xasan Maxamed Jaamac waxa uu Bulshada reer Somaliland u dardaarmay in ay kala ilaaliyaan dantooda gaarka ah ee waxyeelada u keenaysa qaranimada oo aanay dhuuni yar u raacin in ay dalkooda ku sumcad dilaan. “Goormay Xamar iyo Hargeysi sidan isugu milmeen sawtii la kala dhaqaajiyay ee qarankani noqday mid madax bannaan. Waa maxay aragtiyahan liita ee soo baxayaa ma dawladnimadii ayaa dabacday. Shacabka waxa looga baahnaa in ay ilaashadaan qarankooda oo aanay ogolaan in si dhib yar la isugu qaldo ama la isugu dhex daro Soomaaliya iyo Soomaaliland. Waa nasiib darro in dad maanta la kala garan waayo Somaliland iyo Somaliland oo qof muwaadin ahi warbaahintii dawladda isla soo taago Qardho. Boosaaso iyp Xamar baan ka wadaa mashruucan. Waa wax lala yaabo”
Ugu dambayn Ex. Xasan Maxamed Jaamac waxa uu shacabka ku booriyey in ay iska ilaaliyaan in si suutosuuto ah loo dhex marsado aragtiyo labada wadan ee Somaliland iyo Soomaaliya isku mid ka dhigaya arrinkaasi oo uu ku tilmaamay mud shirqool noqon kara oo aynaan ku baraarugsanayn.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *