Search

Ergayga Cusub Ee Midowga Yurub Oo Kulamo La Yeeshay Madaxweynaha Iyo Shir-Gudoonka Wakiiladda

Hargeysa (Foore)- Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Michele Cervone iyo wefti uu hogaaminayo ayaa galabta booqasho shaqo ku yimid caasimada dalka ee Hargaysa,isla markaana kulamo la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Shir-gudoonka Golaha Wakiilada ee Somaliland.

Waxaa weftiga ku qaabilay Madaarka Hargaysa Saraakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland. Weftigan uu hogaaminayo Ergayga cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ambassador Michele Cervone Waxa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Maxamed C/Laahi Cumar ayaa kulanka ka dib waxa uu warbaahinta uga waramay arrimihii ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia.

Wasiirku wuxuu sheegay in Madaxweynuhu u ergaygan ku soo dhaweeyay dalka isla markaana uu sheegay inay gacan ka siin doonaan wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu xusay in Madaxweynuhu ergayga u soo jeediyay inay sii laban laabaan dhaqaalaha ay midowga yurub ku bixiyaan dimuqraadiyada, doorashooyinka iyo mashaariicda kale ee ku wajahan dhinaca Horumarka.
Sidoo kale, waxa uu ergaygu Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga mahad celiyay soo dhawaynta diiran ee ay u sameeyeen iyo wada shaqaynta ka dhaxaysaba.
Dhinaca kalena, weftiga Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Michele Cervone waxay kulan la qaateen Shirgudoonka Golaha Wakiilada ee Somaliland iyagoo ka wada hadlay doorka uu Midowga Yurub ka qaato kobcinta hanaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland iyo sidii ay u xoojin lahaayeen Mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland ka fulinayaan.

Michele Cervone ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu socdaalkiisii kowaad ku yimaado Somaliland isagoo laga soo bedelay sida uu xusay Wadanka Yemen,waxaanu intaas ku daray inuu kor u sii qaadi doono xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Midowga Yurub.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa warbaahinta u sheegay inay ka wada hadleen Ergaygan iyo Weftigiisa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Midowga Yurub iyo sidii ay u libin laabi lahaayeen kaalmada dhaqaale ee ay ku caawiyaan hanaanka doorashooyinka dimuquraadiga ah ee Somaliland ka hirgalay.

Gudoomiyuhu wuxuu xusay inuu Ergaygu u cadeeyay, in lacag dhan Konton Milyan oo Yuuroo, ay Midowga Yurub kaga fulin doonaan Somaliland Mashaariicda la xidhiidha Kaabayaasha Nolosha sida Caafimaadka, Wadooyinka iyo Biyaha.
Md. C/Raxmaan Cirro wuxuu intaas ku daray inay ka codsadeen sidii caawimadaas intaas looga sii kordhin lahaa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *