Search

Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Guddoomiye Cirro Ku Canaantay Gacanta Uu Ku Horeeyey, Baashena Ku Eedeeyay In Uu Isagu Fidmada Abuuray

Hargeysa (Foore)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Gacan Hadalkii dhex maray Gudoomiye Cabdiramaan Ciro iyo Ku Xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax ku tilmaamay mid iyaga ku kooban oo ka baxsan Anshaxa Suuban ee Golaha wakiiladu lahaa,waxa uu Cirro ku eedeeyay inuu isagu lahaa Gacan ka hadalka halka uu Baashena ku tilmaamay inuu abuuray dagaalka, oo uu la yimid erayo ka baxsan Wada shaqayntii ka dhexaysay.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Warfidiyeenada shalay la hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay Gacan ka hadalkii dhex maray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo Ku xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax, Waxaana uu yidhi isagoo dhacdadaasi ka hadlaya“Horta wakiillada wixii shalay ka dhacay boqolkiiba sideetan(80%), waxay dusha ka saaran tahay guddoomiye xigeenka, Sida uu shalay u macaamilay si odaynimo ah iyo si sharci ah midna ma ahayn, Guddoomiyuhu isagu sharci ayuu cuskaday oo wuxuu yidhi “wuxuu qoray qorayaa xeer hoosaadkeenu mooshinka fadhigan lagaga dooday in fadhiga dambe la keeno, dee arrintu halkaas bay ku dhammayd ee laakiin in Makarafoonka la qabsado oo lagu dagaalamo ma ahayn, wixii halkaas ka dhacayna inta badan waxay dhakada ka saaran tahay guddoomiye xigeenka”.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Gudoomiye Cirro Masuuliyadda Bilaabida gacan ka hadalka,waxa kale oo uu Carabka ku adkeeyay in Golaha wakiiladu leeyahay Saddex Gudoomiye taasina ay tahay halka ay sartu ka qudhunsan tahay waxaana hadalkiisii ka mid ahaa“Guddoomiyaha laftiisu gar uu lahaaba wuxuu ku horeeyay Gacanta,Marka aynu dhab ahaan eegno waxani waxay u dhacayaan sababo badan, dastuurkeenu wuxuu qorayaa in Goluhu Guddoomiye yeesho iyo laba ku Xigeen, tii baa la bedelay oo lagu bedelay shir Guddoon, kuxigeennadu marka Guddoomiyuhu maqan yahay ayay iyagu meesha fadhiistaann,Adduunka ma jiro baarlamaan saddex nin hogaamiyaan sidii maxakamaddii, horta Shalay Cabdiraxmaan wuxuu yidhi Baarlamaanku yeelan maayo laba guddoomiyee, wuxuuba leeyahay saddex guddoomiye oo shirguddoonka isagaa ogolaaday,” ayuu yidhi Eng Faysal.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *