BREAKING NEWS
Search

Duullaankii Talyaaniga Ku Qabsaday Somaliland 1940-kii ..Qalinka Cali Cabdi Coomay

Horaantii sannadkii 1940-kii ayuu ingiriisku ka urursaday dhulka Soomaalilaan Ingiriisku wuxuu ciidankiisa iyo dad badan oo reer Soomaalilaan ahaa ka dhoofiyey dekeda Berbera. Ujeedada ayaa ahayd inuu ciidamadiisa ku jiray dagaalkii labaad ee adduunka ay xoog midaysan yeeshaan, oo meel la iskugu keeno. Ka dib wuxuu soo ruruiyey askartii booliska ahayd ee ku sugnayd Somaliland, waxaanu geeyey xuduuda Somaliland iyo Itoobiya. Wuxuu u sheegay inay dhulkooda ka difaacaan cadow Talyaaniga iyo xulufadiisa.
Duqaynta Cirka ee Hargaysa
Saddex diyaaradood oo nooca dagaalka ah, oo ka soo kacay magaalada Jig-Jiga ee dalka Itoobiya ayaa duqayn culus u geystay Hargaysa iyo Gabiley. Duqayntan ayaa bilaabmatay cabbaaro shantii subaxnimo, socotayna ilaa labadii galabnimo. Wakhtigan magaalada Hargaysa may lahayn dad aad u fara badan iyo xaafado camiran. Dad qaarkii waxay duqaynta kaga gabban jireen Dooxa Hargaysa oo lahaa geedad waaweyn. Halka dadkii u shaqayn jiray ingiriisku ay qaarkood geli jireen godod ay qoteen. Isku geynta dadkii duqaynta ku dhintay ayaa lagu sheegay inay ahaayeen 20 qof, halka dhaawucuna ahaa 30 qof.
Xaafadihii la Duqeeyey
Magaalad Hargaysa waxa wakhtigan ka jiray afar xaafadood oo sidaas u weynayn. Waxay kala ahaayeen:
-Xaafadda Jameeco-weyn
-Xaafadda dumbuluq
-Xaafadda laba Nuux ilaa Sh. Madar
-Xaafadda Shacabka

Duqaynta way ku dhacday dhammaan xaafadaha Hargaysa, balse khasaaraha ayaa ku kala duwanaa. Dadkii reer Hargayasa weligood may arag diyaarad duqaysa, waana ta keentay inay fahmi waayaan inay ka gabbadaan Bambooyinka ay tuurayeen diyaaraduhu. Xaafadda Jameeco-weyn oo ah xaafadda ugu qadiimsan Hargaysa ayey ku dhacday duqaynta ugu culusi. Warbixin dheer oo ingiriisku ka qoray dagaalkii Talyaanigu ku soo qaaday Somaliland gaar ahaan Hargaysa ayaa sheegaysa in la dumiyey 15-aqal oo dhoobo ka samaysan iyo 10-aqal soomaali.
Dadka ku madhay goobtan ayaa u badnaa baaqigii xertii Sh. Madar, oo ku lahaa maqaam weyn iyo goobo siyaaro lagu dhigo. Xaafada Laba Nuux ilaa Sh. Madar ayaa iyana duqayni loo geystay. Waxay taariikhdu sheegaysaa in dhulka lala simay ilaa 18 aqal oo dhoobo ka samaysnaa. Dhismaha khayriyada ayaa gebi ahaanba la burburiyey, waxa ka hadhay oo keliya makhsin xaga dambe ku yaalay.
Goobihii loo Qaxay
Dadkii reer Hargaysa waxay u kala qaxeen laba jiho, oo kala ahaa: dadkii degnaa xaafadda Dumbuluq waxay u aqaxeen Hallaya, oo bari kaga beegan Hargaysa. Hallaya waxay wakhtigan lahayd geedo waaweyn iyo dhir jiq ah oo ay kaga gabban jireen duqaynta diyaaradaha.
Dadkii degnaa xaafadaha Jameeco-weyn iyo Laba Nuux ilaa Sh. Madar waxay u kala qaxeen Dalooldho oo waqooyi kaga beegan Hargaysa. Dalooldho waxay lahayd kayn iyo geedo waaweyn , oo lagaga gabban jiray duqaynta diyaaradaha. Laakiin raggii suuqa ka shaqyn jiray waxay duqaynta ka geli jireen hareerha Dooxa Hargays goobtan imika uu ku yaallo Hudheelka Hadhwanaag. Xaafadda Shacabka waxa deganaa ingiriiska markaa cidlo ayey ahayd.
Duullaankii Dhulka
Ka hor intaanu bixin ingiriisku wuxuu soo ururiyey askartii booliska ahay ee ingiriisku la shaqayn jiray ayuu ku daabulay xuduuda Somaliland la wadaagto Itoobiya. Ciidankani waxay dhufaysyo ka qoteen tuulooyinka xuduuda ku teedsanaa. Marku Talyaanigu ogaaday inuu ingiriisku ka qaxay Somaliland oo intii ugu dambaysay raacday Laba markab magaalada Berbera. Ayuu soo dagaal-geliyey ciidan isugu jiray Xabashi, Sawaaxili iyo dad kale oo laga soo kaxeeyey afrikada galbeed. Qacdii hore ee weerarka waxa la isku haleelay Tog-wajaale oo tuulo yar ahayd.
Goobtan waxa la isku haystay maalin iyo badh. Maalintii saddexaad ayuu talyaanigu keenay hub culus iyo Tikinko, oo ay la socdeen ciidamo Talyaani ahi. Taasina waxay keentay in Talyaanigu qabsado Tog-wajaale. Markay soo qabsadeen waxay toos ugu soo dhaqaaqeen dhinacaa iyo Hargaysa. Markay dhexda soo socdeen waxay la kulmeen iska caabbin aan badnayd. Hargaysa waxay ka soo galeen laba jiho, oo kala ahaa dhinaca galbeed iyo dhinaca koonfureed. Waxay la wareegeen goobihii ay fadhiyi jireen ciidankii booliska ee ingiriiska la shaqayn jiray.
Soomaalidii booliska ahayd ayaa qarsaday qoriyihii iyo dharkii ay xidhan jireen. Kooxo ka tirsan booliska ingiriiska oo soomaali ahaa waxay u yaaceen dhinacaa iyo dariiqa Berbera. Ka dib waxay saldhig ka dhigteen goobta la yidhaa” Cumar ku Joog” imika. Cumar ku joog wuxuu ahaa geesi aan soo laaban. Ciidankii ku biiray wuxuu u sameeyey dhufaysyo iyo aagag ay ka dagaalamaan. Ciidankii Talyaanigu wuxuu u dhaqaaqay dhinacaa iyo Berber. Ka dib wuxuu dagaal culusi ku qabsaday intaan la gaadhin Dacar-Budhuq. Dagaalkan wuxuu socday muddo laba wiig ah. Aakhirkii ciidankii Talyaaniga ayaa diley Cumar ku joog, waxaanay toos u galeen magaalada Berbera. Bishii sideedaad ee 1940-kii ayuu Talyaanigu gacanta ku dhigay magaalada Berbera. Wixii intaasi ka dambeeyey wuxuu si fudud gacanta ugu dhigay guud ahaan dhulka Somaliland. Waxaanu ka talinayey muddo lix bilood ah.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com
Tix-Raacyo:
British Report for Horn of Africa……………. Lewis Owen
Geeddi-Nololeedkii Yuusuf X. Adam………Foosiya Yuusuf X. Adam




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *