Search

Duulimaadka Fly Dubai Ee Hargeysa Iyo Muhiimadda Xidhiidhka Ganacsi Iyo Bulsheed Ee Bariga Afrika Iyo Khaliijka

Warbixin Xiiso Leh Oo Wargeysyada Carabtu Ka Qoreen Muhiimadda Duulimaadyada Shirkadda Fly Dubai Ka Bilawday Madaarka Hargeysa

“Fududaynta Xidhiidho Ganacsi, Dalxiis Iyo Bulsheed Ee Dallaka Afrika Iyo Khaliijka Carabta”…. Ku Xigeenka Xarunta Ganacsi Ee Dalalka Iskaashiga Khaliijka Carabta

Dubai (Foore/Albayan)- Iyada oo ay maalmihii ugu dambeeyey warbixinada Dhaqaale Iyo Ganacsi ee warbaahinta Carabtu si weyn u hadal haysay duulimaadka shirkadda caanka ah ee Fly Dubai ka bilawday markii ugu horraysay taariikhda Somaliland ayaa waxa warbixin xiiso leh oo kuwaasi ka mid ah baahiyey Wargeysyada Al-wadan Oo Kuwayt ka soo baxa iyo Albayan Al Iqtisaadi oo Imaaraadka ka soo baxa iyaga oo xusay qiimaha dhaqaale, Nololeed iyo kobcinta ganacsi ee Duulimaadkaasi horseedi doono.
Wargeyska Albayan Al-Iqtisadiyah oo si gaar ah uga faallooda Arrimaha dhaqaalaha dalalka Carabta, Afrika iyo guud ahaan Bariga dhexe ayaa cadadkiisii gaarka ahaa ee wiiggan waxa uu ku faahfaahiyey Muhiimadda Duulimaadyada Fly Dubai u leedahay dalalka Imaaraadka iyo Somaliland iyo guud ahaan Imaaraadka iyo Bariga Afrika taasi oo ah arrin qiimaheeda u leh qaranka Somaliland oo isugu doonaya in uu noqdo qaran madax bannaan oo xidhiidh dhaqan dhaqaale la leh dunida uu hab macaamilka la leeyahay.
Wargeysku waxa uu si weyn u ammaanay xaaladda Nabadgelyo iyo daganaansho ee Somaliland iyo waxqabadka ballaadhan ee lagu horumariyey Madaarka Cigaal International Airport oo ay ku sheegeen mid suurta galiyey in Kambaniga weyn ee Fly Dubai u soo jiiday in uu ku dhiirrado duulimaadkaasi. Warbixinta wargeyska Albayan waxa ay intaasi ku daraysaa isaga oo soo xiganaya hadalka mid ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa shirkadda Fly Dubai in Duulimaadyada Hargeysa iyo Dubai ee Fly Dubai ay wiiggii noqon doonaan Afar maalmood duulimaadyadaasi oo wax weyn ka tari doona isku xidhka xidhiidhka Ganacsi iyo dhaqaale ee Somaliland iyo Imaaraadka gaar ahaan, guud ahaanna Imaaraadka Carabta iyo Bariga Afrika.
Dhinaca kale wargeyska Al-watan oo isna ka mid ah wargeysyada loogu akhriska badan yahay dalalka Carabta kana soo baxa wadanka Kuwayt ayaa furitaanka Duulimaadyada shirkadda Fly Dubai ee Hargeysa waxa uu ku tilmaamay albaab cusub oo isku xidhi doona Dalalka Khaliijka Carabta iyo qaaradda Afrika isaga oo si gaar ah isu dul taagay muhiimadda juquraafi ahaan ee Somaliland gaar ahaan Madaarka Cigaal International Airport isaga oo sheegay in Suuq weyn oo ka mid ah isu socodka dadku ka bilawday halkaasi. Wargeysku waxa uu qodobeeyey dhawr arrimood oo uu ku sifeeyey muhiimadda Duulimaadyada Fly Dubai ee Hargeysa waxaanu yidhi:
– Duulimaadka Fly Dubai ee afarta jeer wiiggii ahi waxa uu ka dhigayaa 46 jeer tirada safarrada ay qaaradda Afrika ku tagto Fly Dubai, waana tallaabo horumar ah oo ay shirkaddani samaysay kaasi oo keeni doona isku xidh ballaadhan iyada oo awoodda la saarayo ganacsiga, Dalxiiska iyo is dhex galka Bulshooyinka Afrika iyo Khaliijka Carabta.
– Duulimaadka Fly Dubai ka bilawday Hargeysa Somaliland, waxa uu ka dhigayaa jadwalkeeda duulimaad 90 Duulimaad wiiggii oo isku xidhaya Bariga Afrika, Bariga dhexe, Jasiirad la moodda qaarada Hindiya,, Yurubta Bari, dalalka Balkaniska la isku yidhaa iyo Aasiyada dhexe, taasi oo uu ku tilmaamay wargeysku tallaabo shirkaddu ku labanlaabtay awoodeeda duulimaad iyo isku xidh ee dunida.
Wargeyska Alwatan oo soo xiganaya hadal uu ka jeediyey Arrintan Mudane Sodir Siridaran oo ah Ku Xigeenka Madaxa Fulinta Ee Xarunta ganacsiga ee dalalka Majliska Is-kaashiga Khaliijka Carabta oo ka hadlayay tallaabada Fly Dubai ku bilawday Duulimaadyada ay wiiggii ku tagayso Hargeysa afar jeer ayaa waxa uu yidhi: “Duulimaadyada Fly Dubai ee Somaliland waxaan ku tilmaami karaa midkii ugu muhiimsanaa iyo tallaabo hore loogu qaaday fududaynta iyo ka qayb qaadashada xidhiidhada Ganacsi, Dalxiiska Iyo Xidhiidhka Bulsheed ee dallaka Afrika iyo Imaaraadka carabta, waana wax mudan la sii kordhiyo”.

449210_e.png

11401340_1614060835477868_1068470854822124474_n




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *