BREAKING NEWS
Search

Dugsiga Al-Jaziira Oo Shahaado Sharafeedyo Gudoonsiiyey Xubno Ka Mida Musuuliyiin Qaranka

Hargeysa (Foore)-Maamulka dugsiga sare ee Al-Jaziira ayaa shahaadooyin sharafeed gudoonsiiyey, wasiirka madaxtooyada Somaliland, Xirsi Xaaji Cali Xasan, Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Aw-Qaafta Sh,Khaliil C/laahi Axmed, Taliyaha Ciidan Booliska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan, Maayarka Caasimada, Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Xil. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo xubno ka mida waalidiinta caruurtoodu dhigato dugsigasi.

Munaasibadan oo lagu qabtay xarunta dugsigaasi Al-Jaziira, waxa maamulka dugsigaasi Al-Jaziira sheegay masuuliyiintaasi qaran ay ku muteysteen shahaadoyinkaasi doorka iyo kaalinta ay ka qaataan dhiirigalinta waxbarashada dugsiga sare ee Al-Jaziira.

maamulaha dugsiga sare Al-Jaiira Khadar Xaaji Yuusuf ayaa ugu horeyn ka warbixiyey maraaxikii kaa duwanaa ee dugsigaasi soo marey waxaa sheegay in dugsigaasi la furey 2010, waxaanu maamulaha dugsigaasi sharaxay ujeedada munaasibadan ay u soo agaasimeen waxaanu xusey in cidkasta oo ka qeyb qaadata kobcinta iyo kor u qaadda heerarka waxbarashada kal duwan ay lagama maarmaar tahay in dhiirigaliteeda ay hesho.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo aw-Qaafta Sh.Khaliil C/laahi Axmed oo munaasibadaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa xusey kaalinta dugsigaasi kaga jiro kobcinta iyo kor u qaadida waxbarashada guud ahaan dalka gaar ahaan caasimada Somaliland Hargeysa da’yarta soo kaceysa.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi X.Cali Xasan oo isna hadal ka jeediyey munaasibadaasi ayaa ardeyda dugsigaasi sare Al-Jaziira iyo guud ahaanba ardeyda Somaliland ku dhiiri galiyey inay kor u qaaadan aqoontooda dadaal dheeriyana layimaadaan si ay u noqdaaan kuwo dalkooda iyo diintooda anfaca.

Gabo-gabadiina waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyey masuuliyiinta kala duwan ee heer qaran shahaado sharafeeda uu ku mamuusey maamulka dugsiga sare Al-Jaziira wax qabadkooda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *