Search

Dufcaddii 2aad Ee Ciidamo Maamulka Muqdisho U Diyaarinayo Dagaalka Dalka Yemen Oo Tababar Dhammaystay

Muqdisho (Foore)- Maleeshiyaad Soomaaliyeed oo la sheegay in ay qayb ka yihiin Maleeshiyaad tababar loogu diyaarinayo ka qayb galka dagaalka waddanka Yemen oo ay maalgelintiisa leedahay dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ayaa darraad tababar loogu soo xidhay wadanka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay.
Inkasta oo warbaahinta gudaha iyo ta dibadda loo tusay in ay yihiin ciidamo loo diyaarinayo maamulka taagta daran ee Muqdisho fadhiya hadana xogo hoose oo laga helay ciidamadaasi ayaa tibaaxaya in ay qayb ka yihiin ku dhawaad 8-kun oo askari oo dawladaha Carabtu malaayiin dollar ku bixiyeen in laga diyaariyo wadanka Soomaaliya si ay uga barbar dagaalamaan Xukuumadda taagta daran ee wadanka Yemen ee uu hogaamiyo Cabdurabbu Mansuur Haadi.
Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Muqdisho C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa darraad Khamiistii tababar u soo gabagabeeyay Cutubkii labaad ee Ciidamo uu Xasan Sheekh ka iibiyey Imaaraadka, oo dagaalka Yemen loo wado sida ay xaqiijiyeen warar rasmi ah oo maxali ahi. Xafladda xidhitaanka tababarka oo lagu qabtay xero Agoon ayay ka qeyb galeen xubno ka socday labada gole ee dawladda Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamadda ka socday oo ay wehliyaan saraakiil ka socday dowladda Imaaraadka Carabta oo gacan ka geysatay tababarka ciidamadaasi. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku amaanay Dowladda Imaaraadka Carabta sida ay mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska ciidamada sida tababar iyo taakuleyn joogto ah oo ay siiso ciidamada dalkaasi Soomaaliya. Imaaraadka Carabta ayaa taageero dhaqaale iyo qalab milateri siiyay dowladda sheegata Federaalka iyo maamulada kale ee dalkaasi Soomaaliya, waxaana ciidamada loo wadaa dalka Yeman si ay ula dagaalamaan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Shiicada ah, waxaase warka ciidankan maamulka Muqdisho ku sheegeen in uu yahay ciidan loo diyaarinayo wadanka Soomaaliya. Madaxweynaha Maamulka Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamadan ku qaatay lacag dhan 20 milyan oo dollar, waxaana jira ciidamo kale oo Kismaayo iyo Baydhaba lagu tababarayo oo ka mid ah hawlgalkan. Mashruucan ayaa la sheegay in Xasan Sh. Lacago kale ku yeelan doono intaanu dhamaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *