Search

Dr. Gabboose Oo Guul Daradii Soo Gaadhay Kadib Berri Si Rasmi Ah Ugu Biiraya Xisbi Siyaasadeedka WADDANI

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyihii urur siyaasadeedka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo taageerayaashiisii guul darradu ka soo gaadhay tartankii doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay dhammaadkii bishii November ee aynu soo dhaafnay ayaa la filayaa in ay berri oo Salaasa ah si rasmi ah ugu biiraan xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.
Gabboose iyo inta badan hogaankii xisbiga UMADDA ayaa berri WADDANI ku diiri doona kadib maalmo dhawr ah oo wada hadalo rasmi ahi u dhaxeeyeen hogaanka sare ee WADDANI, sida ay warar xog ogaal ah oo arrintan la xidhiidhaa tibaaxayaan xaflado dhawr ah oo is babar socda ayaa laga qaban qaabinayaa magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ay Hargeysi ugu horrayso.
Qabanqaabada xafladdaha arrintan loo samaynayo ayaa laga dareemayaa qaar ka mid ah deegaamada dalka iyada oo aan ilaa imika la garanayn hannaanka awood qaybsi ee Gabboose ku qancay in uu kaga mid noqdo xisbiga WADDANI oo uu wakhtigi ololaha dorashooyinka ku tilmaami jiray urur/xisbi dhinaca dawladda u janjeedha oo aan mucaarad ahayn. Urur siyaasadeedka UMADDA ee uu hogaamiyo Gabboose ayaa noqonaya ururkii ugu horreeyey ee ilaa imika ka mid ah ururadii hadhay ee xisbi qaran oo soo baxay ku biira, waxaanay taasi keeni doontaa in aan magacii UMADDA dib loo maqli doonin isaga oo qaadi doona wadadii uu toban sano ka hor maray urur siyaasadeedkiisii hore ee SAHAN.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *