Dowladda Ethopia Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Kooxo Ka Tirsan Ururka Al Shabaab

Adis-Ababa (Foore) Laanta Sirdoonka Ethopia ayaa sheegtay in ay Gacanta ku dhigtay 8 Ruux oo Ka tirsan Al Shabaabka Soomaaliya Kuwaasoo ay Ku eedeysay in ay Maleegayeen Afduub ay U Geestaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Ku sugan dalka Ethopia.

NISS Ethopia ayaa Tilmaamtay in Kooxdaan ay qabteen ay doonayeen in ay Afduubtaan Ajaanib U shaqeyneysay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP waxaana ay intaa ku dartay in ay qorsheenayeen in ay U qaataan Soomaaliya islamarkaana Madax Furasho ay Ka dalbadaan.

War Saxaafadeed Laga soo saaray Laanta Sirdoonka Ethopia ayaa Lagu Xaqiijiyay in 8 Ruux ay Ku Jiraan Gacanta Dowladda Ethopia islamarkaana Tallaabo Laga qaadayo.

Saraakiil Ethopian ah ayaa U sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in Kooxaha La qabtay ay Afduubka Ka geysan Rabeen Xerada ay Qaxootiga Soomaalida ku Jiraan ee Ku Taalla Doolow halkaasoo ay ku suganyihiin shaqaalaha Qaramada Midoobay U shaqeeya Kuwaas oo Kaalmooyin iyo Howlo Kale oo Same Falka La xiriira Ka fuliya Xeradaasi Qaxootiga ay Degenyihiin.

Warkaan Ka soo Baxay Laanta Sirdoonka Dowladda Ethopia ayaa Ku soo Beegmaya xilli Labo Bilood Ka hor halkaasi Lagu qabtay Kudhawaad 15 Ruux oo iyana La sheegay in ay Gacansaar dhow Laleeyihiin Xarakada Al Shabaab.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *