BREAKING NEWS
Search

Dooxa Dacar Budhuq Oo Qaaday Gaadiid, Saacado Badana Kala Xidhay Isu Socodka Waddada Hargeysa Iyo Berbera Isku Xidha

Hargeysa (Foore) Dooxa weyn ee magaalada Dacar-budhuq ayaa shalay la tagay laba baabuur oo noocoodu kala yahay Candha-Maydle iyo ShaaMboo-xayraan, ka dib markii roobab mahiigaano ah oo ka da’ay deegaanadaas ay ka soo rogmadeen daadad waaweyn oo dooxa Dacar-budhuq soconayay 1:00 duhurnimo ilaa xalay, kaas oo kala xidhay isu socodka gaadiidka waddada Hargeysa iyo Berbera isku xidha. Sidoo kale waxa isaguna laba Baabuur qaaday dooxaha Aw-Barkhadle, wallow aan la sheegin khasaare dad ka soo gaadhay daadadkaasi dooxyadaasi soo rogeen, marka laga reebo afartaasi baabuur ee ay kala qaadeen labada dooxe ee Dacar-Budhuq iyo Aw-barkhadle. Sidoo kale isku socodka gaadiidkii dadweynaha u kala safrayey Berbera iyo Hargeysa ayaa mudo saacado ah ku xanibeen daadad ay soo rogeen roobabkii gu’a oo dalka ka furtay kuwaas oo labada dhinac ku kala xanibay gaadiidkii Hargeysa iyo Berbera ka kala baxay shalay. Sida lagu soo waramayo waxa deegaanadaas ka da’ ay roobab waaweyn kuwaas oo sababay inay soo rogmadaan dooxyada Dacar budhuq iyo awbarkhadle




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *