Search

Doon Hub Iyo Saanad Milatari Ka Dejisay Xeebta Maydh Iyo Faah Faahinta Cida Uu Hubkaasi U Rarnaa + Ciidanka Oo Baadi Goobaya

Gaadhigii Hubka Ka Soo Qaaday Xeebta Maydh Oo Ay Ciidanka Qaranka Sanaag Qabteen Isagoo Shixnad Liin-Macaan Sida

Maydh (Foore) – Dooni siday saanad milatari oo iskugu jirtay hub iyo rasaas ayaa ka soo degtay magaalo xeebeeda maydh ee gobolka sanaag, hubkan oo la sheegay inuu leeyahay nin ka soo jeeda beesha degta deegaankaasi ayaa sida la sheegay xalay abaara 2:00Am habeenimo ku soo xidhatay dekeda maydh ee Gobolka Sanaag Bari ee Somaliland.
Wararka Hordhac ah ee ka soo baxaya deegaankaasi ayaa intaas ku daraya in ay Ciidanka qaranka somaliland Gaadheen Goobtas,kuwaas oo ku baxay dhinaca xeebta halkaas oo uu dagaal ku dhex marayo dablay beeleed ka soo jeeda waqooyiga bari sanaag, oo la safan ninka hubkan leh. Ciidamada ayaa dablaydan ka baacsaday deegaanka awr gaab waxaana ay hada ku daba jiraan dablaydan hubaysani iyo ninkii hubka sitay oo u cararay dhinaca beeralayda hareed halkaas oo ciidamadu raadkoodii ku daba joogaan.Dad Goob joogayaal Ah oo Hadhwanaag La xidhiidhay ayaa sheegay in ciidamada Somaliland la wareegeen doontii loo tuhunsanaa hubka oo maydh taagan iyo amaanka guud ee deegaanka waxayse baadi doon ugu jiraan sidii ay u soo qabqaban lahaayeen dablaydan ninka wata iyo hubkii halka la geeyayba.
Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sanaag casayr oo isagu hor kacayay ciidamada dowlada ee goobtaasi jooga ayaa la sheegay in isaga iyo ciidankiisii baadhitaano ka wadaan deegaanka Hareed oo looga shakisan yahay in hubka lagu qariyay, waxayna ciidamadu heleen gaadhigii xalay hubka maydh ka soo saaray oo saaka liin laga soo buuxiyay, hubka ayaa ay ilo xogogaal ahi sheegeen in beesha waqooyiga Ceerigaabo ay yaman ka soo iibsatay.
hubkan ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa hub dhawaan ay wareejiyeen ciidamo ka tirsan jabhadaha islaamiga ah ee xuutiyiinta dagaalka kula jira, waxaana magaalada Sanca ka soo iibiyay nin kale oo ay ilmaadeer yihiin ka gadhigiisa xalay lagu arkay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *